22/05/2025
𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐤𝐡𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨: 𝐀𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐚𝐲𝐨 𝐌𝐢𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚:
Si loo helo midnimo dhab ah oo waarta oo ka dhexaysa Maakhir iyo Khaatumo, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso saldhig siyaasadeed oo ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo wadajir. Qodobada aas-aaska u noqon kara heshiis mideeya waxay ila yihiin:
1. 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐢 𝐬𝐢𝐦𝐚𝐧 (50/50) oo beelaha deegaanada Khaatumo iyo Maakhir ay si siman uga qeyb galaan maamulka.
2. 𝐂𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 ah oo laga dhiso meel cusub oo cidlo ah, una dhaxaysa labada maamul.
3. 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐮𝐦𝐚𝐝 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 oo mideeya bulshada oo la qaato, lagana guuro magacyadii h**e.
4. 𝐗𝐢𝐥-𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐢 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 karti, hufnaan iyo awood qaybsi, si loo helo hay’ado shaqeynaya oo daahfuran loona siman yahay (Wasaaradaha, Garsoorka, Ciidamada, Hay’adaha gaarka ah iyo Agaasimayaasha)
5. 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚 𝐟𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 ah kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka, macdanaha iyo dekadahaba.
6. 𝐗𝐚𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 si looga hortago awoodu inay hal dhinac marto (tusaale: Taraysi ah laba xilli oo xiriir ah ka badan aan gobal gaar ahi ku fadhin karin madaxwayne-nimada).
Heshiis lagu dhiso qodobadan, laguna daro dastuurka, wuxuu noqon karaa saldhig lagaga tallaabo caqabadaha ragaadiyey maamul gobaleedyada dalka ka jira, looguna gudbo dowladnimo ku dhisan wada-jir iyo is-ixtiraam.
𝐅𝐆: 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐮𝐠𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐨 𝐦𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐢 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐢𝐱𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚.