08/11/2025
Hogaaminta Sare ee Xisbiga Barwaaqo oo Kormeeray Mashaariicda Horumarineed ee Addis Ababa
Hogaaminta sare ee Xisbiga Barwaaqo ee tababarkoodu ka socdo magaalada Adama ayaa booqday mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay magaalada Addis Ababa, xarunta dalka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada xisbiga ee lagu dhiirrigelinayo horumar waara iyo koboca dhaqaalaha, iyadoo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhismaha guryaha, xarumaha wax-soo-saarka, iyo mashaariicda ganacsi ee bulshada u adeegaya.
Masuuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ee Addis Ababa ayaa sheegay in qorshuhu yahay in si joogto ah loo daboolo baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira guriyeynta, iyagoo kaashanaya maalgashadayaasha gaarka ah, miisaaniyadda maamulka magaalada, iyo qaaraanka bulshada.
Waxaa la xusay in mashaariicdani yihiin tiir muhiim u ah yoolka Barwaaqo ee dhisidda bulsho horumarsan, isku filan, isla markaana ka jawaabta baahiyaha nolosha aasaasiga ah.
Sido kale hogaaminta gobolka dawa ee uu hogaaminayo godomiya gobolka dawa mudane Abshir Hassan,Gud/Kuxigenka gobolka dawa Mudane Hassanur Ibrahim iyo M/Arri.Siyaasada gobolka dawa Mudane Mohammed Aliyow ayaa qeyb ka ah hogaaminta ku sugan magaalada addis abebe.