05/09/2026
Masuuliyiin heer deegaan iyo heer gobol isugu jira Ayaa hawlo shaqo ku tagay Degmada Dhagaxbuur Ee Gobolka Jarar, iyagoo kormeer iyo dabagal ku Sameeyay adeeg-bixinta bulshada iyo Barnaamijyada horumarineed ee degmada.
Masuuliyiintan oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Carruurta DDS, Marwo Xaliimo Xasan, ayaa waxaa wehelinayay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS, Mudane Cabdiqaadir Iimaan (Ph.D), Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khatarta Masiibooyinka DDS, Mudane Axmed Yaasiin Sh/Ibraahim, Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Dakhliga, Mudane
C/Waaxid Cabdi Qorane, iyo masuuliyiin heer Gobol Ah.
Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay u kuurgaleen:
1.Adeeg-bixinta bulshada iyo tayada adeegyada.
2. Dugsiga barbaarinta carruurta.
3. Barnaamijka Dhaqo oo Dheefso.
4. Guryaha loo dhisay dadka danyarta ah.
5. Barnaamijyada xoojinaya wax-soo-saarka iyo isku-filnaanshaha bulshada.
6.Hirgelinta qorshayaasha iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd xoojinta Adeeg-bixinta bulshada, dardargelinta Qorshayaasha horumarineed iyo xaqiijinta Taabogalka qorshayaasha, iyadoo sidoo kale Xoogga la saarayo tabarucaadka bilaha xagaaga Iyo ka qayb_qaadashada bulshada.
Deg_Dhagaxbuur — adeeg hufan, horumar waara iyo bulsho isku filan mustaqbal ka insha allah.