Xafiiska beeraha deg dollow,bay

Xafiiska beeraha deg dollow,bay Dollo w bay

Qaybtaada qaado oo cagaari degaankaada ☘️Taariikh 27/11/2018 Degmada Dollow bay waxa saaka dhirbeeris kusamaynay gudaha ...
03/08/2026

Qaybtaada qaado oo cagaari degaankaada ☘️

Taariikh 27/11/2018

Degmada Dollow bay waxa saaka dhirbeeris kusamaynay gudaha magalada iyo xereda ciidanka iyadoo manta loo asteeyay maalinta dhirbeerista oo guud ahaan dalka laga beerayo dhir gaarayso 800 milyan ayaa saaka kubeernay 1300 geed dhirbeeristan kusamaynay goobahan aan korkusoo sheegay ayaa wax kabadali doonta bilicda goobaha iyadoo laxananayn doona dabagalkedana la adkayn doona insha allah aan kudadaalono dhaxalreebka caagaran qaybtaada qaado oo cagaari deegaankaga

Mahadsanidiin

Waa wax soo saarka kasoo go ay qayb kamida senterka xintoy ee deg dolow bay gobalka afdheer‎Wax soo saarkas oo ah basash...
25/07/2026

Waa wax soo saarka kasoo go ay qayb kamida senterka xintoy ee deg dolow bay gobalka afdheer
‎Wax soo saarkas oo ah basasha

‎D,A madey dayow shabow

Xafiiska beeraha deg dolow bay  ‎gobalka afdheer‎Maanta oy tarikhdu tahay 13/11/2018 ama 20/7/2026‎Waxaan qaybinay abuur...
20/07/2026

Xafiiska beeraha deg dolow bay
‎gobalka afdheer
‎Maanta oy tarikhdu tahay 13/11/2018 ama 20/7/2026
‎Waxaan qaybinay abuurka xulka oo noociisu yahay Galay waxaana uqaybinay dhaman beeralayda 17 sentet ee degmada waxana ka fai idaystay qoysas tiradoodu dhantahay 584 qoys
‎Waxaana goob joog ka ahaa gudiga abuurka ee degmada.
‎abuurkas oo naga soogaadhay
‎xafiiska beeraha degaanka DDS gaar ahaan mashruuca ayaxa (locust)
‎Waxaana kula dardaaranay beeralayda inay kor uqaadan waxsoosaarka siloo gaadho iskufilaansho cunto kana midha dhaliyaan ujeedadi laga laha oo ah kabixida kutiirsananta cunoyinka ka imaanaya dibada.

Xafiiska Beeraha ee Deegaanka ayaa hirgaliyay   qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalagyada kala duwa...
13/04/2026

Xafiiska Beeraha ee Deegaanka ayaa hirgaliyay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo kobcinta nidaamyada waraabka yaryar si loo xoojiyo wax-soo-saarka beeraha.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo beeraleyda, loona fududeynayo helitaanka biyo waraab oo joogto ah, taas oo si toos ah u kordhin doonta wax-soo-saarka dalagyada waraabka ku baxa.

Sidaas darteed, Xafiiska Beeraha ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc waraab oo laga hirgelinayo Degmada Dolo-bay, gaar ahaan Qabalaha Xiintoy.

Mashruucan ayaa awood u leh inuu waraabiyo dhul baaxaddiisu dhan tahay 130 hektar, waxaana ka faa’iideysan doona 520 qoys.

Mashruuca waxaa ku baxaya miisaaniyad hor udhafaysa 70 milyan Birr, taas oo laga helay Mashruuca Horumarinta Silsiladda Wax-soo-saarka qamadiga (CREW) PROJECT Waxaa la qorsheeyey in mashruuca lagu soo gabagabeeyo muddo 16 bilood ah.
Hirgelinta mashruucan waxaa fulinaysa Shirkadda Dhismaha Guud ee KAA (KAA General Constructions Company), taas oo la filayo inay si hufan u dhamaystirto hawsha.
Waxaa mashruucan Dhegax dhigay masuuliyiin isugu jira mamulka Gobalka afdheer iyo Degmada Dolo-bay

Kulan wada-tashi ah oo masuuliyiinta gobollada DDS iyo Xafiiska Beeraha ay ku kala saxiixanayeen qorshaha xoojinta wax-s...
02/04/2026

Kulan wada-tashi ah oo masuuliyiinta gobollada DDS iyo Xafiiska Beeraha ay ku kala saxiixanayeen qorshaha xoojinta wax-soo-saarka, ka bixidda ku tiirsanaanta, iyo qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumadda DDS ayaa ka qayb-galay shirweynahan oo loogu diyaar garoobayey xilli roobaadkan, si looga faa’iidaysto wax-soo-saarka beeraha..

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in maadaama la galay xilli roobaad, deegaankuna uu leeyahay dhul ku habboon wax-soo-saarka beeraha ee roobka ku baxa, loo baahnaa in lagu baraarugo dhulkeenna dihin.

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Inj. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa sheegay in ku tiirsanaanta gacan shisheeye looga bixi karo wax-soo-saarka beeraha.

Ugu dambayntiina, waxaa abaalmarinno la guddoonsiiyey shakhsiyaadkii iyo maamuladii ku wanaagsanaa wax-soo-saarka beeraha.

Maanta oy tarikhdu tahay 25 /12/2025‎Waxan kaqayb galay anago ah  xafisyada bahwadaagta,mashruuca IFTIN  WFP eey gacata ...
25/12/2025

Maanta oy tarikhdu tahay 25 /12/2025
‎Waxan kaqayb galay anago ah xafisyada bahwadaagta,mashruuca IFTIN WFP eey gacata kuhayso hay ada mercy corp oo xafladan qaban qabisay iskashatoyinka beralayda 2da degmo munaasabad xaflad lagudonsinayay 4 cagafy oo lasinayay 4 iskashato oo ka kala socdo 2 iskashato beeralay deg (dolow ado ) iyo 2 iskashato beeralay deg (dolow bay )
‎Si kor loogu qaado waxsoo saarka secterka beeraha waxaa jiro dadaalo lagu jiro dhanka dawlada iyo hay adaha bahwadaagta
‎Hadaba ( wfp) iyo hay,da mercy corp oo iskashanaya waxay naga caawiyaan gashiyada beeraha sida abuurada noocyadoda kala duwan,canalada waraabka ,solor erigatio iyo cagafyada oo maanta aan kala wareegnay
‎Waxaan rajaynaynaa in ayvwax katari doonta nidaamka dhuldiyaarinta iyo udiyaar garowga waxsoo saarka beeraha si loo gaadho iskufilaansho dhanka cunada.

waa shaqoyinki kormeerka waxsosarka senterka qoraxey ee deg dolow bay gobalka afdheer
21/12/2025

waa shaqoyinki kormeerka waxsosarka senterka qoraxey ee deg dolow bay gobalka afdheer

Address

Xafiiska Beeraha Deg , Doolow Bay
Jijiga
MKHADAR1

Telephone

+251915655894

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska beeraha deg dollow,bay posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share