26/07/2025
Messi waxa uu u gacan galay Booliska , habeenkii ay qabteen Messi Ciidanka Sucuudiga , Qori ayaa ku jeeda wejiga Messi , Sidaasi ayey ahaayeen cinwaanada jaraa'idyada kala duwan ee caalamka kahor 13 sano waqti hada laga joogo iyagoo kawaramaya sawirkan taasoo uusoo muuqanayo xidiga arjentiin isagoo cabsanaya kana argagaxsan mowqifkaasi, Maxey qisada sawirkaasi , Muxuuse Ronaldo urajeyeey inuu xabad ku dhufto askarigaasi Messi waqtigaasi , Muxu ka yiri Messi dhacdadaasi 9 sano kadib tafaasiisha oo dhan waxaad kaga bogan doontaa muuqaalkan oo idinkaga imanaya barteena Facebook ga ee Dunida Ciyaraha,
Messi waxa lagu soo dhaweeya qaab qurux badan meel kasta oo uu tago iyadoo ay usacabtumayaan jamaahiirta , taageerayaasha magaciisa ayey ku heesayaan kuwo kalena waxey raadiyaan iney sawir lagalaan ama ay helaan saxiixiisa, halkan umuurtu weyka duwaneyd waxey aheyd sanadkii 2012, Messi waxa uu joogay wadanka Boqortooyada sucuudiga bishii November ee sanadkaasi Messi waxa uu kamid ah laacibiintii Arjentiin ee usafartay halkaasi si ay ugu soo ciyaaraan kulan saaxiibtinimo ayla yeesheen xulka Saudi arabia .
Dhacdo tan lamid ah waxey jamaahiirta sucuudiga ka yeeshay xaalad dharar ah imaanshaha xidigaha tango gaar ahaan Lionel messi , xaaladaasi sugitaanka waxey ka yeeshay ciidamada amaanka iney heegaan galaan si ay uhubiyaan imaatinka martida iyagoo amni ah, inta laga soo gaarayey halkan wax walba waxey ahaayeen dabiici & wax iska caadi ah lkn kaliya markii Polga uusoo galay saalada soo dhaweynta madaarka Malik khaalid ee caasimada Riyad waxa bilaabatay fowdo , boqolaal dhaiyarada sucuudiyaan ah ayaa isbuurtay kuwaas uyimid iney kor ka arkaan xidiga Barcelona waqtigaasi si ay ubilaabaan ciidamada amaanka iney latacaamulaan mowqifka iyagoo ku fardi yeelay ciidan xoogan oo lagu warejiyey hareeraha messi , waxa sidoo kale ciidamada isku dayayeen iney kala diraan dadkaasi si ay wado ugu furaan Messi & saaxiibadiisa oo ay ugu dhaqaaqaan iyadoon dhibaato jirin.
intii waqtigaasi lagu gudajiray waxey camerooyinka soo qabteen sawir noqday mid waaray waxa kasoo muuqday nin katirsan ciidamada amaanka sucuduiga oo qori ku taagaya wejiga messi dariiqad yaab leh sida inuu laacibka ku jiro xaalad xarig ah lkn ma aheyn mid uu uqasday askariga,
intii ay u ordayeen askarta iney xaalada xakameeyaan qoriga ayaaku jeestay wejiga messi iyadoo aan lo qasdin , Leo waxa hareereyey dareen qaracan & cabsi leh ilbiriqsiyadaasi, waxa uu ubartay inuu toogto shabaqyada kuwa ka horjeeda si lama filaan ah ayuu ku arkay isagoo qori ku taagan yahay , ciidamada waxa ay ku guuleysteen iney xakameeyaan xaalada lkn sawirka waxa uu noqday mid caalami islamarkaana qaar waxey ku sheegeen iney aheyd nidaam daro & fowdo ka dhalatay latacaamulka bicthada Tango ,
Qaar kale oo jaraa'idka kamid ah waxey ku maadeysteen arinka mid kamid ah waxey daabacday sawir Ronaldo uuku rajeynayo in askariga uu ku dhufto rasaasta Messi si uu Portugalkan kaligii ugu soo haro abaalmarinta Ballon diorka ee sanadkaasi , ama Jariirad kale waxey Page keenda h**e cinwaan kaga dhigtay habeenkii qabashada Lionel Messi halka ay buuxdhaafiyeen baraha bulshada fariimo & comentiyo qofkasta uukaga hadlayo aragtidiisa , midkii ugu qosolka badnaa waxa uu ahaa kii yiri:- Asakarin waxaan filayaa inuu taageero Real Madrid .
Waxa uu ahaa mowqif dhacay & arin loogu talagelin lkn xusuusta messi marna k**a bixin isagana ayaana ka hadlay sanadkii h**e markii laweydiiyey mowifkii ugu yaabka badnaa ee uu lakulmay waayhiisa waxa uu yiri :- "Xusuus fiican k**a heysto waxbana k**a xusuusto lkn markii aan tagay sucuudiga qoriga wejigeyga lagu aadiyey waxey aheyd waali lkn taasi waxa ay aheyd mid lama filaan ah oo aan loogu talagelin .
Hubaal messi waa soo xusuusan doonaan marka arjentiin ay wajihi doonaan sucuudiga wareega Groupyada mondiyaalka Qadar Messi & saaxiibadiisa aya isku aadka ku helay Sucuudiga , Poland & Mexico .