π™΄πš‡ 𝙢𝙰𝙰 𝙢𝙰𝙻𝙴

π™΄πš‡ 𝙢𝙰𝙰 𝙢𝙰𝙻𝙴 WAXAN AHAY MUWADIN KU DHASHAY CASIMADA K.G.S.MAGALADA BARAAWE baraawe media

04/11/2025
Mogadishu International Airport, Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄alx
12/10/2025

Mogadishu International Airport, Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄
alx

DEG DEG: Taalibaan ayaa hadda sheegatay iney ka aargoosteen Pakistan oo ay goobo muhiim qabsadeen. Waxay Talibaan intaa ...
12/10/2025

DEG DEG: Taalibaan ayaa hadda sheegatay iney ka aargoosteen Pakistan oo ay goobo muhiim qabsadeen. Waxay Talibaan intaa ku dareen in aysan halkooda dhaafi doonin oo ay dhankooda xabada yareeyeen balse hadii Pakistan ay dagaalka sii wado in dhulka Pakistan toos la iskula gali doono.

waa  wil yar 14 jir ah udhashay Dalka Yaman waxana lagu magacaba Al yami naziir isago cawo faraxsan marqamaya Ayaa ladha...
12/10/2025

waa wil yar 14 jir ah udhashay Dalka Yaman waxana lagu magacaba Al yami naziir isago cawo faraxsan marqamaya Ayaa ladhahay kawaran dumarka dunida ugu quruxda badan ma Taqan waxuu ku jawabay waa dumarka somaliyed wax ka quruxbadan majidho calamka waan jclhy dumarka somaliyed waa dumar aqlaq wanagsan Dina wanagsan ninki heela nasib leeh

Waxan mar walbo Alle ka baryaa in caruurtayda hooyadod Alle ka dhigo gabar somaliyed

Jubaland in ay mar Koonfurgalbeed kamid ahayd ma og tihiin oo Madaxweynuhu aha Raxanweyn kuxigeenkuna ahaa Mareexaan Gud...
12/10/2025

Jubaland in ay mar Koonfurgalbeed kamid ahayd ma og tihiin oo Madaxweynuhu aha Raxanweyn kuxigeenkuna ahaa Mareexaan Gudomiyaha Baarlamaankuna ahaa Ogadeen Absame.

Maamulkii lixda Gobolka yaa xasuusta Madaxweynihii iyo kuxigeenkii xilligaas?

Booliskii Somalia hurdo waa loo diiday maalin kasta waxaa laga xisaabinayaa shaqadii loo diray iyo sida ay u qabteen. Ta...
24/07/2025

Booliskii Somalia hurdo waa loo diiday maalin kasta waxaa laga xisaabinayaa shaqadii loo diray iyo sida ay u qabteen. Taliye Asad Diyaano Booliska boorka ayuu ka jafay waana astaanta laga rabo masuul ammaan Somalia lagu aaminay inuu hagaajiyo.

Asad Diyaano Siciid Deni wuu badalayaa, Madaxweynaha Soomaaliyana isagaa noqonaya, maadaama Deni ku mashquulay Burcad badeednimo iyo inuu af duubto Maraakiibta.

La kala tag odorna maahan!

Cali Aadan Muumin.
WAXA QORAY EX.GAAGALE

Sida ay sheegtey Xarunta Marine Traffic, Markab xoolo ka qaaday magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa la weeraray xilli uu...
24/07/2025

Sida ay sheegtey Xarunta Marine Traffic, Markab xoolo ka qaaday magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa la weeraray xilli uu marayay xeebaha Badda-cas ee dalka Yemen, xilli uu ku sii jeedey dekedda Jidda ee Boqortooyada Sucuudi Careebiya.

Koox hubaysan ayaa rasaas ku furay markabka Merinos Livestock oo laga leeyahay Giriigga; iyaga oo ku khasbay in uu u leexdo dekedda Mokha ee Yemen, inkasta oo aan la soo werin wax khasaare ah, haddana waxa kor u sii kacaysa xiisadda amni-darro ee Badda-cas, xaaladda dalka Yemen darteed.

WAR-SAXAAFADEEDDowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lag...
23/07/2025

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros

Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya:
1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.
2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

-DHAMMAAD-

War xafaafadad
23/07/2025

War xafaafadad

Address

Baraawe Yare

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when π™΄πš‡ 𝙢𝙰𝙰 𝙢𝙰𝙻𝙴 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category