Baydhabo media News

Baydhabo media News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Baydhabo media News, Grocers, Baydhabo.

13/07/2026

Waxaan si weyn u bogaadinaynaa go’aanka taariikhiga ah ee uu qaatay walaalkay Ali Daacad, ka dib markii uu ku dhowaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey si loo xoojiyo midnimada guud ee dhalinyarada Beesha Geelidle.Go'aankan geesinimada leh wuxuu tusaale u yahay u tanaasulidda danta guud.

28/05/2026

Ninkaan aad aragtaan waxaa lagu magacaabaa Waddani Duqow. Horey ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu ridday xukun dil ah oo la xiriiray kiis culus oo dhacay.
Sidoo kale, waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeday beesha Xubeer oo isla kiiskaas lala xiriiriyay, islamarkaana la toogtay. Halka maanta la arkayo ninkan oo si caadi ah isu dhex jooga una baashaalaaya.
Arrintan waxay dhalisay su’aalo iyo dareen culus oo ku saabsan cadaaladda iyo sinnaanta shacabka hortooda.
Haddaba, maxaa la gudboon beesha Xubeer iyo cid kasta oo dareemeysa in caddaaladdu aysan si siman u shaqeyn?

DEG DEG:- Taliyayaasha Nabad-Sugidda iyo Milateriga Dowladda Koonfur-Galbeed oo lagu amray inay berri soo galaan Magaala...
15/03/2026

DEG DEG:- Taliyayaasha Nabad-Sugidda iyo Milateriga Dowladda Koonfur-Galbeed oo lagu amray inay berri soo galaan Magaalada Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Qaybta Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, G/sarre Maxamuud Shaahiyow, iyo
Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Yariisow Aadan, ayaa lagu amray inay berri soo galaan Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa lagu sababaynayaa inay qayb ka tahay qorshaha Koonfur-Galbeed lagu dhaafinayo Cabdicasiis Laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magacaabay Guddiga ilaalinta Gar...
23/07/2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magacaabay Guddiga ilaalinta Gargaarka Bani aadanimo ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (...
19/07/2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (Yarisow) U-Magacaabay in uu nogdo Guddoomiye ku- Xigeenka Arrimaha Siyaasadda Gobolka Baay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdulkadir Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xi...
18/07/2025

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdulkadir Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray magaalada Baydhabo Tababar muhiim ah oo ku saabsan maareynta saldhigyada booliska, kaasoo loogu talagalay taliyeyaasha iyo taliye ku-xigeennada ciidamada booliska.

Tababarkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Yaasin Cabdullaahi, taliyeyaasha booliska iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha ammaanka.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in kor loo qaado aqoonta, xirfadda iyo hannaanka hoggaamineed ee taliyeyaasha iyo ku-xigeennadooda, si ay ula jaanqaadaan xaaladaha amni ee casriga ah, una gutaan waajibaadkooda si hufan oo xirfadaysan.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Baay, Gaashaanle Sare Amiin Mad Daruur, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Baydhabo, Mukhtaar Dubadow, ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay tababarka, iyagoo muujiyay muhiimadda ay u leedahay sare u qaadista tayada hoggaanka booliska heer gobol iyo degmo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Mudane Xasan Cabdulkadir Maxamed ayaa la dardaarmay saraakiisha ka qeyb gashay Tawabarka, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay ka faa’iideystaan aqoonta ay helaan, una adeegsadaan horumarinta ammaanka iyo u adeegidda bulshada si daacadnimo iyo karti leh

Aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu ansixinayo xeer-hoosaadyada dib loo eegay ee maaraynta qashinka adag ayaa Lagu Soob...
09/07/2025

Aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu ansixinayo xeer-hoosaadyada dib loo eegay ee maaraynta qashinka adag ayaa Lagu Soobandhigey

magaalada Baraawe ee Caasimada Dowladda KGS Laguna Ansaxiyey

Barnaamijkan oo qeyb ka ah DOWLAD-KAAB Programme ayaa waxaa Kaqeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mudane Mustaf Cabdullaahi (Adaf)

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xeerarka deegaanka, loogana shaqeyn lahaa nidaam waara oo lagu maareeyo qashinka adag ee ka dhasha degmooyinka. Waxaa ka qeyb galay

guddoomiyeyaasha degmooyinka kala duwan ee Koonfur Galbeed, khubaro ku xeel dheer arrimaha deegaanka, iyo hay'adda UN-HABITAT oo taageereysey fulinta mashruuca.

Intii uu socday bandhiga , Agaasimaha Guud wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la helo sharciyo cad oo nidaamiya maaraynta qashinka, taasoo qeyb ka ah dadaallada horumarineed iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dedaallada maamulka Koonfur Galbeed ee lagu horumarinayo adeegyada deegaanka iyo tayeynta dowladaha hoose iyadoo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed oo Daahfuray Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Ganacsiyada Yaryar & Kuwa ...
07/07/2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed oo Daahfuray Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Ganacsiyada Yaryar & Kuwa Dhexe

Baydhabo – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka wadatashiga horudhaca ah ee dejinta Siyaasadda Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhexe.

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday hay’adaha dowladda, hay’adaha horumarinta, bangiyada, xarumaha maalgelinta, ganacsatada maxalliga ah, bulshada rayidka, haweenka iyo dhalinyarada. Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la is dhaafsado aragtiyo iyo fikrado wax ku ool ah oo saldhig u noqon doona dejinta siyaasad dhameystiran oo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan kan ay hoggaamiyaan haweenka iyo dhalinyarada.

Dhamaan ka qeybgalayaashu waxay si firfircoon uga qayb qaateen wadatashiga, iyagoo soo bandhigay fikrado qiimo leh oo laga faa’iideyn doono marka la dhisayo siyaasadda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe. Fikradahaasi ayaa lagu wadaa in ay horseedaan siyaasad dhiirrigelisa kobaca dhaqaale ee degaanka, abuurista fursado shaqo iyo sare u qaadidda ka qeybgalka bulshada ee horumarinta dhaqaalaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ballan qaaday in talooyinka labadindoono,

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmad Qaran iyo Kumaandooska DanabKismaayo – Madaxw...
07/07/2025

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmad Qaran iyo Kumaandooska Danab

Kismaayo – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho dhiirrigelin ah ku tegay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ka fulinayay howlgallo guulo muhiim ah laga gaaray qaybo badan oo ka tirsan Jubaland.

Howlgalladaasi ayaa si weyn loogu naafeeyay kooxaha Khawaarijta, iyadoo la burburiyay saldhigyo istiraatiiji ah iyo qorshayaal khatar ku ahaa amniga iyo xasilloonida shacabka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay geesinimada, halganka naf-hurnimada leh, iyo mas’uuliyadda culus ee ay ciidamadaasi u hayaan difaaca dalka. Wuxuu tilmaamay in guulaha la gaaray ay yihiin astaan muujinaysa adkeysiga iyo wadajirka shacabka iyo ciidamada, isla markaana ay horseedeen farxad iyo rajo weyn oo ay muujiyeen shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo howlgallada, si kooxaha Khawaarijta ah ee cadowga ku ah dalka iyo dadka si buuxda looga ciribtiro guud ahaan gobolka.

DHAMMAAD.

06/07/2025

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Dr Saciid Axmed Cali ayaa ka warbixiyey Dhismaha Cusub Wasaaradda Caafimaadka ay yeelatey .

Address

Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baydhabo media News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category