09/06/2026
Markaan yaabo waa marka aan arko dalkii oo burbursan hadana dadkiisu qabiilka ku jiraan
Soomaaliyey wax yar caqligu ha idin celiyee maanta 30 Sano baa dhibaato ku jirna 30 Sano qabiilkii aad u dagaalameyseen faa,iido maka hesheen waa may heer waxa la gaaray in lagu naco oo aduunkaan laga necbaysto markaa soomaali tahay in laguu diwaan galiyo inaa tahay qof tuug ah oo bilaa caqli ah. Marka aniga reer hebel ah wax makuu tartay waa may"
Waxaa gaartay Heer ah markaa passport somaliga wadato in lagu baaro oo tuganimo iyo musuqmaasaq lagaaga shakiyo idinkuna reer hebel baa nahay baa ku jirtaan.
Anagoo markhaati ka ah dhulkeena inu yahay dhul qani ah macdanta, shidaalka, dhul_beereedka, wabiyada, xeebaha dhaadheer iyo goobta istaraatiijiga ah aan haysano hadana dadkeenu maanta waa fuquro.
Asaageen waxa naga reebay waa nin madax isku sheegaya oo dhalinyarada oohintooda ku raaxaysanaya wuxu dhalay intuu wadanka ka kaxaysto buu dhalinti wadanka joogtayna ciqaabaya shacabka dhexdooda bee isku dagaalayaan hooyo maskiin ah bee goblaminayaan dhalinyaradi askarta ahayd bee qaab qabiil u adeegsanayaan taasina waa nasiib daro tan u xun ee umada soomaaliyeed haysata.
Dhalinyaroy i maqla dalka waxa dhista waa dhalinta dalkaan waxa u haraya oo awoodiisa haya waa idinka siyaasi xun oo shiisheeye soo dirsadey waxba idin qaban maayo ee dalkiina awood kula wareega.
Page follow ii dheh mahadsanid Zakaria Abdi Qoorebulux