Elme Nour

Elme Nour waxanu mada'daalinaa Shacabka somaliyeed

06/12/2025
06/12/2025
21/11/2025

DEG DEG: Maxamed Mursal oo iska casilay xilkii iyo xubinnimada xisbiga Shariif.

21/11/2025

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay inuu qabtay codsiyada murashaxiintii ugu badnaa ee doorasho hoosaadka degmooyinka G/Banaadir.

Xisbiga ayaa shaaciyay in 16-ka degmo ee G/Banaadir ay iska diiwaan-geliyeen 522 xubnood, iyadoo haatan uu xisbigu si rasmi ah u soo gabo-gabeeyay qabashada codsiyada murashaxiinta doorasho hoosaadka.

Guddiga KMG ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir ee xisbiga ayaa soo saaray jadwalka doorasho iyo kala saarista xubnahan. Doorashada xisbiga ayaa u dhaceysa qaab online ah.

"Axadda 23 November, waxaa dhamaan xubnaha Ururka loo diri doonaa fariin qoraaleed iyo email lagula wadaagi doono Linkiga laga codeynayo iyo xogta kale ee muhiimka u ah codbixinta," ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Waxa kale oo lagu yiri "Subaxnimada h**e ee Talaadada 25 November, waxaa bilaaban doonta codbixinta Online-ka ah, iyadoo ay socon doonto illaa 27 November 2025, 8:00am."

16/10/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor “Dowladdu muhiimad gaar ah bay siinaysaa horumarinta iyo wax soo saarka Beeraha, dadku waxay xoryihiin markii ay la soo baxaan waxay cunaan.
Waan bogaadinyaa Wasaaradda Beeraha dadaalkooda iyo qorshohooda ku aadan Horumarinta Beeralayda Puntland”.

16/10/2025

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo ay yeesheen illaa 23 urur siyaasadeed oo kamid ah ururradii uu dhawaan diiwan-geliyay guddiga doorashooyinka qaranka.

Shirweyne u qabsoomay ururradan ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray ku shaaciyay in ay u midoobeen sidii ay doorashada soo aadan ugu yeelan lahaayeen saameyn xooggan.

Ururradan oo ay hogaaminayaan Ra’iisul Wasaarihii h**e Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyayaashii h**e ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal ayaa waxay shaaciyeen inay ku heshiiyeen isbaheysi ku saleysan hal barnaamij siyaasadeed iyo mideynta aragtida iyo himilooyinka ururrada.

Ururradan ayaa si mideysan ah u galaya doorashada heer deegaan, heer maamul goboleed iyo heer federaal, iyadoo la xaqiijinayo midnimada dalka, sida ay sheegeen.

Isbaheysigan cusub ayaa bogaadiyay madaxda iyo howl-wadeennada guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ku adkeeyay "muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, cadaaladda iyo madax-banaanida geedi socodka doorashada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu qancaan natiijada doorashada".

Sidoo kale, waxay ku booriyeen guddiga in la hubiyo daah-furnaanta iyo kalsoonida ku saabsan qalabka doorashada, iyo hay'addaha qaabilsan baaritaanka iyo kormeerka habraacyada doorashada.

Address

Golis Tawer
Bosaso
070755

Telephone

+252907650563

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Elme Nour posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Elme Nour:

Share

Category