15/12/2025
ALLE HA U NAXARISTE ABWAAN HADRAAWI HODANTINIMADA U AF SOOMAALIGA U LAHAA IYO CUTUB KA MID AH MAANSADIISII “DAALLALEY” IYO SHARAXAAD’DOODA.
————————————————————————————————
Marka dirir gabaabsiyo
Isma dayada dhiifta leh
Iyo duraha jiilaal
Dayawgiyo kulka is wada
Doorsoonka garashada
Daaddduunka nugulkiyo
Doc ku dhiidhigeediyo
Dar-wisiisigeediyo
Dambabeera ruqankiyo
Daabaan u jedankiyo
Duul duulka Jaahweyn
Anigaa ka doogoo
Weligay danbeeyee
Dhulka deexda dharabka leh
Nin dallaallimaystow
Dad anaa ku hadhayee
Dhanka kale u diga rogo!.
SHARAXAADDA MEERISYADAN KOR KU XUSAN:
MARKA DIRIR GABAABSIYO. Marka Roobku Di-iwaayo!.
ISMA DAYADA DHIIFTA LEH. Adigoo inyar oo Biyo ah haysta, Sodoggaa, iyo Sodohdaa, iyo Seediggaa aad ka waraabin-weydo, Weliba Maag iyo Huruuf aad ugu Darto!.
IYO DURAHA JIILAAL. Dhibaatada iyo Haraadka iyo Abaarta Jiilaalku keeno!. DAYAWGIYO KULKA IS WADA. Kulayl iyo Haraad Daraadeed Qofku waxba kala Garanwaayo!!.
DOORSOONKA GARASHADA. Dadnimadii iyo Sharaftii iyo wax issasiintii la Garanwaayo!!. DAADDUUNKA NUGULKIYO. Marka Gamaankii iyo Adhigii iyo Maxastii Biyo la siiyo la waayo!.
DOC KU DHIIDHIGEEDIYO. Marka Nugulkii Xerada Akteeda ama Guriga Dushiisa Haraad Daraadeed ka Dhaqaaqi-weydo!!.
DAR-WISIISIGEEDIYO. Ama Nugulkii Ceelkii Biyaha ka Cabbi-jirtay ku Wareegto oo Rayn iyo Olol ay isku Darto!!. DAMBABEERA RUQANKIYO. Marka Nugulkii Haraad Daraadeed Fadhiisto oo kici-kari’weydo!!. DAABAAN U JEEDKIYO. Ninkii Nugulkaas lahaa marka uu sidaas u eegee waxba u qaban-kariwaayo!!. DUUL DUULKA JAAHWEYN. Abaartaaas iyo Haraadkaasi Dhibaatada ay keento!!. ANIGAA KA DOOGOO. Dhibta intaa leeg Anigaa ka Badbaadoo!. WELIGAY DANBEEYEE. Wixii Abaartu Dishay Weligay kasoo Hadhee!!.
DHULKA DEEXDA DHARABKA LEH. Dhulka Barwaaqada ah!.
NIN DALLAALLIMAYSTOW. Ninka Degennoow!.
DAD ANAA KU HADHAYEE. Dadnimadii iyo Sharaftii iyo Karaamadii anigaa ku hadhayee!. DHANKA KALE U DIGO ROGO. Xagga Inan Gumaydnimada iyo Doqonniimada iyo Wuxuushnimada Adigu Qabo!!!!!.
Abwaanku Jilaalkan iyo Abaartan iyo Haraadkan uu ka hadlaayo waa ta Maanta Bariga Somaliland ka jirta!!
Waxa loo Baahanyahay” Qaran ahaan, iyo Qoys ahaan, iyo Qof ahaan, in Abaarahan Bariga Somaliland ka jira loo diyaar’garoobo oo Dad iyo Duunyo sidii Biyo iyo Baad loo Gaadhsiin lahaa Qorshaheedii la yeesho.