22/03/2026
Jiil Lagu Gabood Falay
Waa jiil indhihiisu furmeen iyagoo arkaaya iftiin aan dhammaystirnayn, iyo mustaqbal la sawiray balse aan la gaarsiinin. Waa jiil dhaxlay riyooyin burburay, iyo waddooyin aan la dhammeystirin. Ma aha jiil caajis ah, balse waa jiil la caajisiiyay; ma aha jiil aan wax qaban karin, balse waa jiil laga qaaday fursaddii uu wax ku qaban lahaa. Carruurnimadoodii waxay ku barbaareen duruufo adag
—qaar waxay ku koreen cabsi, qaarna baahi, halka kuwo kalena ay ku koreen jahawareer. Dugsi waxay u galeen rajo, balse waxay ka heleen nidaam aan hagi karin. Waxbarasho waxay u aadeen inay naftooda dhisaan, balse mararka qaar waxay la kulmeen macallimiin aan dhiirrigelin, manhaj aan waaqici ahayn, iyo jawi aan u diyaarsanayn horumar dhab ah.
Jiilkan waxaa laga filayay inuu noqdo iftiinka berri, balse waxaa lagu xiray mugdiga maanta. Waxaa lagu mashquuliyay waxyaabo aan dhisayn, halka laga dayacay wixii kobcin lahaa. Halkii la siin lahaa jihayn, waxaa loo daayay hirarka nolosha inay qaadaan. Halkii la siin lahaa tusaale wanaagsan, waxaa loo bandhigay sawirro qaldan oo ay ku daydaan.
Hase ahaatee, inkasta oo uu yahay jiil lagu gabood falay, haddana ma aha jiil jabtay. Qalbiyadooda waxaa weli ku jira rajo, maskaxdoodana waxaa ku jira awood ay wax ku beddeli karaan. Waxay og yihiin in wixii laga qaaday aysan ahayn dhammaadka sheekadooda, balse ay tahay bilow ay iyagu dib u qori karaan.
Jiilkan haddii la fahmo, la hageeyo, lana siiyo fursad, wuxuu noqon karaa mid ka xoog badan kii ka horreeyay. Waayo, qofka dhib arkay wuxuu bartaa sabir, qofka la duudsiyayna wuxuu bartaa qiimaha caddaaladda. Waxay noqon karaan jiil dhisa waxa burburay, toosiya wixii qaldamay, oo dib u soo nooleeya riyooyinkii lumay.Laakiin fariintu waa cadahay: jiil lama dayaco oo lama sugayo inuu iskiis u badbaado. Jiilku waa in la maalgeliyaa -aqoontiisa, maskaxdiisa, iyo qalbigiisa. Haddii kale, gabood-falkii maanta wuxuu noqon doonaa khasaaraha berri.
Ugu dambayn, jiilkan lagu gabood falay wuxuu u baahan yahay in loo hiiliyo, loo hoggaamiyo, lana aamino. Waayo, haddii la siiyo fursad, wuxuu noqon karaa jiil aan kaliya badbaadiya naftiisa, balse badbaadiya ummaddiisa oo dhan.