Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed

Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed, Grocers, Mudug, Gaalkacyo.

Xalay waxaan booqasho sharaf iyo macsalaamayn ugu tagnay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), annagoo gudanayna wa...
01/07/2026

Xalay waxaan booqasho sharaf iyo macsalaamayn ugu tagnay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), annagoo gudanayna waajibka iyo maamuuska uu dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed uu farayo in loo muujiyo hoggaamiye xil ummadeed soo gutay. Waxaan uga mahadcelinnay dedaalkii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug muddadii uu xilka hayey, annagoo qirsan in hoggaamintu ay tahay masuuliyad culus oo u baahan samir, dulqaad iyo garasho.

Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa bisaylkii siyaasadeed iyo tanaasulkii uu u muujiyey danta guud ee Galmudug. Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ina barayaa in hoggaamiyaha wanaagsani yahay kan maslaxadda ummaddiisa ka hormariya dantiisa gaarka ah, kana shaqeeya midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada. Taasina waa dhaqan mudan in la xuso lana qadariyo.

Ugu dambayn, waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu ka abaalmariyo wixii khayr ahaa ee uu u qabtay shacabka reer Galmudug, kuna gallado caafimaad iyo kheyr. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa inuu Galmudug ku sugo nabad waarta, midnimo iyo horumar, isla markaana waafajiyo cid kasta oo xilka loo dhiibo inay danta shacabka iyo tan deegaankaba ka hormariso wax kasta oo kale.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed
Suldaanka Guud ee Beesha Sacad

23/06/2026

Suldaanka Beesha Sacad Suldaan Abdi Nasir Jaamac Seed Ooka Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhacday Degaanka Adhi Cadeeye isla Markaasna Ugu Baaqay garaadada isimada iyo Dowlada Waqooyi Bari iney Si Dag Dag Ah Arintaas Wax uga Qabtaan sharcigana Horkeenaan Dadkii Dhibatadaas Geystay

09/06/2026

Waxaan Casuumaad Ugu Sameeyay Magaalada Dhusamareeb Ee Caasimada Galmudug odayaasha Dhaqanka Beesha Cayr Ee Curadka Habargidir Kulanka Casuumada Ayaa Noogusoo Dhamaaday Guul.

Address

Mudug
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category