25/10/2022
Qiso dil ah oo kadhacday dalka turkiga waa qiso dhab ah
(Birjin) waa fanaanad turkiyada waxa ay soo caan baxday 1980adii waxaana lagu magacaabi jiray (gabadha murugada) taas oo caddaynaysa nolosha aadka u daraneey ku noolayd 30 kii sanno eey noolayd
Sannaddii 1966 markii ay birjin ku jirtay sannadkeedii todobaad ayay kala tageen hooyadeed iyo aabaheed waxay uguureen iyada iyo hooyadeed (ANQARA) waxay ku biirtay birjin school laakin ma ay dhamaysan waxbarashadii duruufo lacageed awgeed taas oo ku qasabtay inay katagto wax barashada ooy ubaxdo si ay usoo raadiso shaqo eey ka helaan iyada iyo hooyadeed waxay quudanayaan
Markii ay gaadhay 19 jir way katagtay shaqadii waxayna guursatay inaadeerkeed oo lagu magacaabi jiray (JOKSAL)kaas ooy isku guursadeen jacayl waxayna dhaleen inan yar guurkoodi wuxuu sii socday muddo 4sanno ah sannaddii 1980kii ayay kalatageen iyada iyo ninkeedii isla sannaddas ay kala tageen waxa uu guursaday gabadh kale ilmihiina wuu ka qaatay
Sidoo kale birjin nolosheedii way sii wadatay sannaddi 1982 waxay guursatay nin kale oo lagu magacaabi jiray (HALIS) oo ay wada shaqeen jireen
Isla sanadkaa muddo yar kadib waxa ay gashay caalamki( fanka iyo heesaha) waxa aanay matashay flim keedii ugu horreeyay kaas ooy dadki ku barteen caana ay ku noqotay guusheeda kadib waxa kadhex bilaabmay mashaakil iyada iyo ninkeedii in badan ayay isku dayday inay kabaxsato lkn wuu soo heli jiray marwalba maalin maalamaha kamida 31 October 1982 iyadoo ku guda jirta shaqadii oo ka heesaysa naadi ku yaala (AZMAR) ayuu arkay waxa uuna kushubay Acid nooca loo yaqaano (Nitric acid) taas oo ku sababtay inay indho beesho muddo yar kadib iyo daawayn badan waxa ay wax ku aragtay ishii bidix tii midigna sidaas ayay ku wayday
Raali ayay ku noqotay xaaladeeda kadib markii lasoo qabtay ninkeedii xadhig 7sanno ahna lagu xukumay
1987 waxa ay birjin matashay film keedii labaad kaas oo lagu magacaabi jiray (gabadha murugaysan) kaas ooy kusoo bandhigtay nolosheedi guul badanna ay ka gaadhay caanimadeediina ay ku sii balladhatay
Laakiin ma ayna sii socon ilaahay ayaa doonaya in ay nolosha gabadhaasi ku dhamaato dhammaad xun......😪way sii socotaa.....