27/05/2025
26-ka May 2025 – Addis Ababa
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaxmaan Xasan Nuur, oo uu wehelinayo Maamulaha Xafiiska Wasiirka Mudane Ridwaan Cabdirashiid Sh. Maxamed, oo safar shaqo ku tagay dalka Itoobiya iyo U Qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Gobollada ee Dawladda Itoobiya, Mudane Dr. Kassahun Gofe. Ugu horrayn, Wasiir Gofe waxa uu si diirran usoo dhaweeyay Wasiir Cabdiraxmaan iyo waftigiisa iyada oo soo dhawayn kadibna ay shir wada galeen, kagana hadleen qodobo ay ka mid yihiin:
1. Iskaashiga xagga ganacsiga iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal.
2. Sidii ay door muhiim ah labada Wasaaradood uga qaadan lahaayeen heshiisyada ganacsiga iyo isu gudubka badeecadaha ee la filayo in dhawaan labada dawladood kala saxeexdaan.
3. Ka wada shaqaynta sidii loo fududaynlahaa in heshiis laga gaadho ganacsiga labada xuduudood isaga gudba gaar ahaan ganacsiyada fudud (simplied trade regime) kaasoo wax badan ka tari kara isdhexgalka labada bulsho ee labada dal ku kala nool.
4. In la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ganacsi loona xoojinlahaa xidhiidhka iyo wax isdhaafsiga ganacsi.
Ugu danbayntii, labada masuul waxa ay isla garteen in ay sameeyaan guddi farsamo oo arrimaha laga hadlay soo falkiya kana soo saara talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan hirgelinta heshiiska ganacsiyada fudud ee xuduudaha labada dawladood isaga gudba.
Gunaanadkii, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu uga mahadnaqay Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Gobollada ee Dawladda Federaalka Itoobiya soo dhawaynta iyo qaabilaadda heerka sare ah ee uu ku qaabilay isaga oo ugu danbayntiina ka guddoomay hadyad uu guddoonsiiyay Wasiirku.