Nimco barigga burco

Nimco barigga burco Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nimco barigga burco, Grocers, cuqubo laamiga, Hargeisa.

WACAAL DAREY AH: Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanku, Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ayaa amar degdeg ah ku bixiyay i...
26/09/2025

WACAAL DAREY AH: Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanku, Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in boqolaal janeraalo iyo taliyayaal ciidamada Mareykanka ee Yurub, Bariga Dhexe, iyo Aasiyada-Pasifiga ay si degdeg ah isugu yimaadaan saldhigga 'Marine Corps ee Virginia' asbuuca soo socda. Lama shaacin sababta keentay kulankan degdegga ah.

Wariye Taliska Ciidamada Mareykanka ee Pentagon ayaa laga hayaa, “Ma arkin tan oo kale 30-kii sano ee aan ka warramayey xaaladda ciidamada Mareykanka. Waa suurtagal inaan dagaal galeyno.”

Mareykanku ma dagaal buu isu diyaarinayaa, yuu se ku duuli doonaa? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

Maanta waxaan ka qeyb galay shir looga hadlaayay sababta ku kaliftay gabdhaha Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi inay raa...
20/09/2025

Maanta waxaan ka qeyb galay shir looga hadlaayay sababta ku kaliftay gabdhaha Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi inay raacaan mootoyin ay wadaan nimanka ajaanibta ah.
Hooyo meesha ka hadashay ayaa hadalkeeda aad dadka usoo jiitay.

Waxay tiri, mid mootole ah oo alaabta u qaado ayaa maalin ku yiri: "Gabdhaha Soomaaliyeed caraf badanaa maxay marsadaan, mar kasta waxaan jeclahay inaan qaado iyaga," ayuu yiri ninkaasi.

Waxyaalo kale oo aan halkan ku qori karin ayuu sidoo kale weydiiyay maamada.

Mootoyinkani waa halis, siiba dhinaca gabdhaha.
Waayadan waxay bilaabeen inay sida nimanka oo kale u fuulaan, waxayna ku raacaan ilaa labo qof.

Xubnaha jirkooda iyo kan ninka mootada wada ayaa is taabanaya, waana ognahay waxa dhici karo.

Waxaa ka sii daran, dhowr jeer ayay gabdho Soomaaliyeed ka dhaceen mootoyin ay saarnaayeen, wayna u dhinteen.

Gabdhihiinna ka celiya mootoyinka.

Siyaasiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Faarax Macallin ayaa ugu baaqay dalalka Eritrea, Soomaaliya, Jabuuti iyo Sudan i...
20/09/2025

Siyaasiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Faarax Macallin ayaa ugu baaqay dalalka Eritrea, Soomaaliya, Jabuuti iyo Sudan inay sameystaan isbahaysi is-difaac oo wadajir ah si ay uga hortagaan wax uu ku tilmaamay “damaca dhul-ballaarsiga” ee Itoobiya.

Qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay barta X, ayuu Faarax Macallin ku eedeeyay madaxda Itoobiya inay wadaan “gorgortan kibir ku jiro” oo ku tiirsan “taariikh la been abuuray iyo taageero aan xad lahayn oo reer Galbeedka ah.” Wuxuu ka digay in Abiy uu halis ugu jiro inuu dardargeliyo “burburka” Itoobiya isagoo adeegsanaya “dhul-ballaarsi aan laga fiirsan.”

“Itoobiya waa dal aan bad lahayn, laakiin sidoo kale waxaa sidaas ah Uganda, Rwanda, Burundi, iyo South Sudan,” ayuu yiri Faarax. “Dalalka aan badda lahayn marinno badeed kuma raadiyaan inay dhul qabsadaan. Waa inay deriskooda kala xaajoodaan sidii ay marin u heli lahaayeen.”

Wuxuu dib u xusuustay iska hor'imaadyo taariikhi ah oo gobolka ka dhacay, laga soo bilaabo jabkii Soomaaliya ka soo gaaray dagaalkii 1978-kii ee ay la gashay ciidamadii Itoobiya ee uu taageerayay Midowgii Sofiyeeti, ilaa faragelintii Addis ay ku samaysay Muqdisho 2006, taasoo uu sheegay inay ku dhammaatay khasaare culus oo soo gaaray Itoobiya. “Ma jiro hoggaamiye Itoobiyaan ah oo caqli qaba oo weerari doona Soomaaliya,” ayuu yiri.

Digniinta Faarax Macallim ayaa ku soo beegantay xilli Abiy, oo Talaadadii ka hadlayay magaalada Addis Ababa xafladdii daah-furka buuggiisii ugu dambeeyay ee Medemer, uu meesha ka saaray fikradaha sheegaya in Itoobiya loo qaddaray inay ahaato “maxbuus juqraafi ah” oo aan lahayn marin-badeed.

WAR DEG DEGA: Kornel Solomon Bane, oo saraakisha sare Itoobiya kamid ah ayaa yidhi: "Dekedda Asab borobogandho ayaa naga...
20/09/2025

WAR DEG DEGA:

Kornel Solomon Bane, oo saraakisha sare Itoobiya kamid ah ayaa yidhi: "Dekedda Asab borobogandho ayaa nagalla-gaga qaatay, awood nalla-gagama qaadan; soddon sanno kahor ayaan lahayn Badda Cas. Eritrea oo dal yar ah oo shacab yar inay Dekedda yeellato sax uma arragno. "

"Malmo kahor ayaan xadhiga kajarnay xafiiskii Ciidamada Badda, ciidankaas inta la qalabeeyo waa inay meeshoodii qabsadaan
Aabayashen ayaa nooga tagay oo dhuuxa u shubay Dekedda. Waa inaan u middownaa."

Kornelka ayaa warbaahinada Itoobiya waraysi siiyay,si aan gabasho lahayn ayuuna u xusay in Eritrea u qalmin Dekdda Asasb.

Dhanka kalena Dina M***i, Afhayenkii h**ee wasaaradda Arrimaha dibadda, hadana ah Diblomaasi sare oo wali shaqeeya ayaa yidhi: "Qorshaheena Abay xigga waa Dekedda. Waa qasab inaan helno."

W-Q: Macalinka Soomaaliyed (Ms)
Voss Tv

Jid Ku Meel Gaadh Ah Oo Loo Sameeyay Isu Socodka Magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera Kadib Markii Daadad Xoogani Dumiyeen...
20/09/2025

Jid Ku Meel Gaadh Ah Oo Loo Sameeyay Isu Socodka Magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera Kadib Markii Daadad Xoogani Dumiyeen Biriishka Lafaruug.

Dawladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday barmaamij cusub oo lagu dhiirri gelinayo in kor loo qaado tirada dadweynaha dalkaas k...
20/09/2025

Dawladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday barmaamij cusub oo lagu dhiirri gelinayo in kor loo qaado tirada dadweynaha dalkaas kaas oo lagu taageerayo in dhasha la badiyo lana koriyo ubad aad u badan.

Barmaamijkan ayaa dhigaya in qoys kasta oo ilme u dhasho la siiyo lacag dhan 3, 320 oo Dollar Maraykanka taas oo ah lacag loogu tala galay qoyska hal qof ku soo biiro halka Mataanaha la siinayo 7 kun oo Dollar.

Golaha Wasiirrada Taiwan oo ansixiyey xeerkan ayaa shaaca ka qaaday in ay tani qayb ka tahay la dagaallanka gabowga ku sii badnaya bulshada dalkaas.

Dalka Taiwan ayaa la sheegaa in ay heerka taranka dadkiisi hoos u dhacday muddooyinkii la soo dhaafay iyada oo 20% oo dadka dalkaas ku nool ay da'doodu ka weyn tahay 65 sano, taas oo ka dhigan in ay yihiin hawl gab aan qaban karin shaqooyinkii loo baahnaa.

Gallaydh TV

Triumphing for the oppressed Palestinian people and their dear Mujahideen, and in response to the crimes of genocide and...
20/09/2025

Triumphing for the oppressed Palestinian people and their dear Mujahideen, and in response to the crimes of genocide and starvation perpetrated by the Zionist enemy against our people in the Gaza Strip, and within the framework of responding to the Israeli aggression against our country.

The missile force of the Yemeni Armed Forces carried out a military operation using a fission multi-warhead hypersonic ballistic missile "Palestine 2" Targeting several sensitive targets in the occupied Yaffa area.
The operation successfully achieved its objectives, thanks to Allah, and caused millions of herds of usurping Zionists to flee to shelters.

The great Yemeni people, the people of Arabism and Islam, the people of faith and wisdom, the people of jihad and steadfastness, the people of trust in Allah and reliance on Allah, will not be deterred by the brutal Israeli aggression from continuing their principled stance toward their oppressed and starving Palestinian people.
This criminal aggression will only push them to greater steadfastness, perseverance, and defiance for the sake of Allah and the oppressed.

Our armed forces will continue to carry out more operations in defense of the country, to confront the aggression, and to support our steadfast brothers in Gaza until the aggression against them stops and the siege is lifted.

Sana'a,
Rabi' al-Awwal 21, 1447 AH
September 13, 2025 AD
🇵🇸✌🇾🇪

Dawladda Hoose Hargeysa oo dayac tir iyo dib u habayn ballaadhan ku samaysay Dugsiga H/dhexe ee LIXLE oo ku yaala Degamd...
20/09/2025

Dawladda Hoose Hargeysa oo dayac tir iyo dib u habayn ballaadhan ku samaysay Dugsiga H/dhexe ee LIXLE oo ku yaala Degamdda Maxaxmed Mooge.

Arday iyo macalimiinta dugsigaasi ayaa Maamulka Dawladda Hoose uga mahad celiyey sida ay uga soo jawaabeen Codsigii Arday ee dhismaha dugsigaasi oo h**e u ahaa mid dayac baddani uu ka muuqdo.

Itoobiya ayaa kamid noqotey tobanka wadan ee Afrika ugu baasaboorka liita bishan September, hoos ka fiiri liiska wadamad...
20/09/2025

Itoobiya ayaa kamid noqotey tobanka wadan ee Afrika ugu baasaboorka liita bishan September, hoos ka fiiri liiska wadamadaas iyo inta wadan ee fiisa la'aan loogu safri karo.

1. Soomaaliya – 32

2. Libya – 38 dal

3. Eritrea – 38 dal

4. Suudaan – 40 dal

5. Koonfurta Suudaan – 42 dal

6. Nayjeeriya – 44 dal

7. Itoobiya – 45 dal

8. Jabuuti – 47 dal

9. Koongo – 47 dal

10. Angola – 47 dal

Warar ka soo baxay Washington ayaa sheegey in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku ay ku talaabsaneyso aqoonsi rasm...
20/09/2025

Warar ka soo baxay Washington ayaa sheegey in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku ay ku talaabsaneyso aqoonsi rasmi ah oo ku wajahan jamhuuriyada somaliland taaso si weyn u beddeli doonta isbeddelka gobolka Geeska Afrika.

Taageerayaal badan oo reer Somaliland ah ayaa ku tilmaamay tallaabadan “waayo-aragnimo taariikhi ah” iyo guul diblomaasiyadeed oo ay mudada dheer sugayeen reer somaliland, halka falanqeeyayaasha caalamiga ahi ku sifeeyeen inay tahay fariin cad oo ku socota Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Mas’uuliyiin Somaliland ah ayaa ku nuuxnuuxsaday in tani ay tahay fursad aan dib loo celin karin, iyagoo ku baaqay in beesha caalamku ay ku dayato Mareykanka oo door muuqda ku leh go’aan qaadashada caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii dhisaysa rajo cusub oo ku saabsan in Somaliland hesho aqoonsi buuxa, taasoo laga yaabo inay si dhab ah u dejiso khariidadda siyaasadeed ee gobolka.

Gabadh uu dhalay madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya ayaa dadka dalkaas ugu baaqday in aan la dooran aabbeheed oo u ta...
20/09/2025

Gabadh uu dhalay madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya ayaa dadka dalkaas ugu baaqday in aan la dooran aabbeheed oo u tartamaya in uu mar kale madaxweyne dalkaas ka noqdo.

Haweenaydan ayaa aabbeeheed oo dalkaas 43 sano xukumayey ku eedaysay in uu dalkaas gaadhsiiyey meel aad u hoosaysa isaga oo musuq maasuqay dhaqaalihii dalkaas iyo wax kasta oo dalkaasi lahaa.

Tan ayaa noqotay arrin hadal hayn badan ka abuurtay Warbaahinta maaddama oo markii koowaad la arkay qof ka mid ah ubadka madaxda qaaradda Afrika oo dhaliilaya waalidkood.

Gallaydh TV

Address

Cuqubo Laamiga
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nimco barigga burco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category