Jeceyl iyo sheeko

Jeceyl iyo sheeko Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jeceyl iyo sheeko, Grocers, Ahmedarahman080@gmail. com, Hargeisa.

06/10/2024

Soo jiidashada Qof aad jeceshahay

Sida loo soo jiito qofka aad jeceshahay waa wax fudud, kaliya u diro erayo jaceyl oo dareen leh gaar ahaan kuwa soo socdo oo kale. Marka aad u dirto erayadaan waxaad arkeysaa iyadoo aad kuu xiiseyneyso. Hadaba goormee la diraa erayo jaceyl oo dareen leh?

Jawaabta macquulka ah: Marka ay sheekadu meel mac mareyso ayaa loo dhex geliyaa, qaasatan marka aad ka sheekeyneyso dareenkaaga sida uu yahay.

erayo jaceyl oo dareen leh, erayo jaceyl dareen leh, erayo jaceyl

Qormadaan qormadii ka horeysay waxaan bogeenna Cishqi ku soo qaadanay erayo kale oo dareen leh qaasatan erayadaan: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.

Erayo jaceyl dareen leh
Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.

Cimrigu waa ubax, noloshuna waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, hadaan u qalmo Amraneey xusuustaada igali.

Xusuusnow: Aduunku mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.

Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.

Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma ahan in la iloobo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.

Kumanaan qof ayaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan fariimo jaceyl laakin fariinteydu waa mid kuwaas ka duwan, maxaa yeelay waxay sidataa dareen farxad leh.

Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola cadeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.

Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnahana wuxuu ii noqdaa mid boobsiis ah, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.

Address

Ahmedarahman080@gmail. Com
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jeceyl iyo sheeko posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category