03/11/2025
Cabsida laga baqo inaad fashilanto (fear from failure).
Haddii uu ruuxu ku fashilmo mashruuc waxaa dhacda inuu wixii intaa ka danbeeva uu aad uga baqo inuu mar labaad isku dayo inuu mashruuc kale galo, taasina ay sababto inuu noloshiisa oo dhan ku noolaado nolol adag oo hoosaysa. Wuxuu arkaa in aabihii had iyo jeer shaqo kaliya uun uu ka shaqeeyo oo aanu isbadalin. Waxaaba dhacda inuu aabihii kula taliyo inuu tartiibtiisa u socdo.
Waxaa fiican inuu qofku is waydiiyo haddii aan ficilkaa sameeyo maxay tahay arinta ugu xun ee ka dhalan kartaa ? muxuuse yahay arinta ugu fiican ee ka dhalan kartaa? hadana bal dib ugu noqo noloshaada oo fiiri inta jeer ee aad carqalado adag ka gudubtay. waxay culumada horumarku yidhaahdaan (fashal ma jiro laakiin waxaa jirta khibrad). hadal ku soo baxay jariidada wall street (haka biqin fashalka ee ka fikir fursada ku dhaafaysa haddii aad talaabo qaadi waydo)).
Waxaa jirta xikmad jabanaasiis ah oo tidhaahda (haddii aad todoba jeer dhulka ku dhacdo istaag marka sideedaad). mid kamida suxufiyiinta ayaa waraysi layeeshay mid kamida dadka guulaha waawayn gaadhay. Wuxuu waydiiyay sirta guushaada ii sheeg: wuxuu ku jawaabay waa go,aano saxa oo aan qaatay. Hadana wuxuu waydiiyay oo sidee ayay iigu suuroobaysaa inaan go,aano toosan qaato. Wuxuu yidhi khibrada ayaad ka helaysaa. Wuxuu waydiiyay oo khibradana sideen ku helayaa? wuxuu yidhi go,aano khaldan. Taas macnaheedu waxaa weeye in marka aad go,aan khaldan aad qaadato aad fashilanto fashalkaasina uu keeno inaad wax ka barato oo khibrad yeelato. khibradaasna ay sababto inaad go,aan saxa qaadato sidaana guusha ku gaadho.
Tobanka fure ee guusha