21/07/2026
Dr. Shiine iyo waxgaradka beesha ayaa soo bandhigay nidaam cusub oo ku dhiirrigelinaya dadka in zakada xoolaha loo bixiyo si habaysan, iyadoo lagu taakuleynayo dadka tabaaleysan iyo kuwa fakhrigu saameeyay. Fikraddan oo ah mid lagu cirbootayo saboolnimada ayaa tusaale wanaagsan u ah beelaha kale ee raba inay isku tashadaan.