Buule media

Buule media Falanqeeye sare ee Arimaha somaaliya iyo caalamka

18/03/2026

Oo ku aadan xaalada guud ee dalka khilaafka DFS soo kala dhax galey M/Goboledka KGS
Waxaan sugnaa waa Abdiaziz laftagareen iyo warkiisa kulul

18/03/2026

Mar dhow war cad ayaa ka soo bixi doono baydho

LAFTAGAREEN: waa adkaaday wareega 1-aad!Cabdicasiis Laftagareen waa yimi Baydhabo, waa safar aan farxad galin Villa Soma...
17/03/2026

LAFTAGAREEN: waa adkaaday wareega 1-aad!

Cabdicasiis Laftagareen waa yimi Baydhabo, waa safar aan farxad galin Villa Somalia, waana kala dhaqaaq siyaasadeed, xataa wicitaanka gacalku waxba tari waayen, Umana aha wax iska caadi ah oo dhacay madaxweyne Xassan Sheikh ama dhacdo si fudud looga gudbi doono, sidii dubihii Aaden Madoobe, dadaal dheer oo caasumadaha Geeska Afrika ilaa Maka hurdada u diiday, lacag bixin ilaa Albaab walba garaacid ayay dawladdu qaaday 48 saac ee lasoo dhaafay, si ay ugu guuleysto in Lagtagareen lagu qasbo in uu Muqdisho maro, ama laga hor ustaago Baydhabo, Dhaan col dhaanshay ayaase la dhaxlay.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa jahawareer galisay Villa Somalia, madaxweyne laftagareen ayaa kasoo tagay Maka oo cumro u joogay, markii dagaalka ay u bareertay dawladda faderaalka, laakiin howlwadiinadiisii lasocday ilaa xubnaha saaxiibadiis ah wuu uga tagay isla hoolkii saacada Makka, si aan looga shakiyin.

Xaggee soo maray!

Laftagareen shaki maleh in uu diyaarad ku yimi oo deriska uga yimi, kumana uusan soo galin baabuur, laakiin dawladda Faderaalka wali mahayso xog faahfaahsan oo aan ka aheyn in ay sheegayso in dalalka deriska ah mid kamid ah uu safarkan sahlay.

Cadaadisyo dalalka deriska ah, saraakiil ciidan oo lala hadlay & telfoono is dhaafay ma keenin guul siyaasadeed oo ah, in diyaarada Laftagareen laga hor istaago in ay ka dagto Baydhabo ama lagu qasbo in uu soo maro magaalada Muqdisho.

Saacado kahor intii aan talaabadan dhicin, dawladda Soomaaliya waxay sheegaysa in jihada wadamada deriska ay iska soo xirtay oo aysan jiri doonin in Addis Ababa ay maciin siyaasadeed ama dabacsanaan u muujiso dhinaca Laftagareen, laakiin taas run ma noqon.

Duulimaad diyaaradeed oo aan Milateri aheyn ayaa Laftagareen lagu geeyey Baydhabo, inkasta oo saaxiibada Madaxtooyada iyo taageerayaashiisu sheegayaan warar jacbur ah oo ku wajahan dhacdada haddana mid xaqiiq ah waa in Lafta kabadshay wareega dawladda Federaalka.

DARBI WEYN ayaa ku dumay Trump!Joe Kent oo ahaa madaxii ugu sareeyey Ladagaalanka Argagixisada ee Mareykanka ayaa ku dha...
17/03/2026

DARBI WEYN ayaa ku dumay Trump!

Joe Kent oo ahaa madaxii ugu sareeyey Ladagaalanka Argagixisada ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, sabab la xariirta dagaalka Iran oo uu sheegay in lagu galay ajende aan aheyn mid Mareykanka.

Kent, ayaa sheegay oo qoraalkiisa ku cadeeyey “Ma taageeri karo dagaalka Iran”, isagoo cadeyeey Iran in aysan halis degdeg ah ka jirin.

Wuxuu ku eedeeyay in dagaalka lagu bilaabay cadaadis dibadeed, laguna galay aragti aan aheyn mid Dalkiisa, taas awgeedna ay ku riixday katagida shaqadan.

Tani waxay muujinaysaa khilaaf gudaha Mareykanka ah oo ku saabsan dagaalka Iran, Is-casilaaddan waa dharbaaxo siyaasadeed oo weyn oo muujinaysa in dagaalka Iran uusan ahayn mid si buuxda loogu mideysan yahay gudaha Washington.

🚨🚨Iiraan ayaa hadda fasaxday dufcadii 58-aad ee gantaaladeeda, kuwaas oo hadda u sii hoyaaday dhanka gumaystaha Isra|l.A...
17/03/2026

🚨🚨Iiraan ayaa hadda fasaxday dufcadii 58-aad ee gantaaladeeda, kuwaas oo hadda u sii hoyaaday dhanka gumaystaha Isra|l.

Arrinkaan waxeey fashil xooggan gelinaysaa, sheegashadii Trump oo aheyd , 90% gantaalada iiraan hoos u dhaceen.

Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay dishay, Ali Larijani oo ah madaxa Amniga Qaranka iyo taliyaha Basij/Guulwadayaasha...
17/03/2026

Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay dishay, Ali Larijani oo ah madaxa Amniga Qaranka iyo taliyaha Basij/Guulwadayaasha hubeysan ee taabacsan Ilaalada Kacaanka Iran.

Netanyahu wuxuu yiri “Waxaan wiiqaynaa nidaamka Iran si shacabka Iiraan ay fursad ugu helaan inay ka takhalusaan.”

Wuxuu kuhanjabay wax ugu yeeray “Yaab badan oo soo socda” taas oo uusan qeexin, awooda Mareykanka ayuu sheegay in ay isla fulinayaan howlgalo ay sidoo kale xulufadooda gobalka la kaashanayaan.

Warar cusub ayaa sheegaya in markab dagaal oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka, kaas oo sida kumannaan askari oo ...
17/03/2026

Warar cusub ayaa sheegaya in markab dagaal oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka, kaas oo sida kumannaan askari oo Marines ah, uu gaaray meel u dhow Singapore, isagoo ku sii jeeda gobolka Bariga Dhexe.

Markabkan ayaa la rumeysan yahay inuu qayb ka yahay xoojin militari oo cusub oo Washington ay u dirayso gobolka, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iran, Israa’iil, iyo Maraykanka.

Ciidamada Marines ee saaran markabka ayaa ah kuwo si degdeg ah loogu adeegsado.

• hawlgallo degdeg ah
• difaac saldhigyo
• iyo faragelin militari oo toos ah

Socdaalkan ayaa muujinaya in Maraykanku uu sii wado kor u qaadista joogitaanka militari ee gobolka, si uu uga jawaabo xaaladda sii cakirmaysa.

16/03/2026

: Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud oo ay dib kala xumaatay habdhaqaaqii ay dawladda u gashay dagaalka Koonfur Galbeed, ayaa isku dayay ilaa xalay in uu helo jid loo maro xalinta arrintan & Laftagareen lagu qanciyo in uu iskaga tanaasulo aadida doorashooyin u madax banaan yahay, isagoo xubnaha diidan nidaamka Baydhabo uu kacodsaday in ay hoos u dhigaan doodahooda.

Isku dayada ayaa kasoo bilowday la xariirka xubno katirsan gacalka Laftagareen oo arrimo caafimaad dalka uga maqnaa, taas oo ilaa hadda aan natiijo laga gaarin, sidoo kale qaar kamid ah xubnaha ku dhaw-dhaw Laftagareen oo ay Villa Somalia la xariirtay ayaan jawaab rasmi ah soo celin.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kale duwan, dawladda Faderaalka ayaa la xariirtay dhanka Itoobiya, oo ay kala hadashay sidii ay qeyb uga noqon lahayd wada hadalsiin labada dhinac, kahor inta aysan dhinac kafadeeda raacin, iyadoo ay DFS ay saacado dheer ka dib sheegayso in ay ogaatay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ay dacwada ka tahay uu kulamo layeeshay madaxda Itoobiya qaarkood, gaar ahaana kuwa galka amniga gacanta ku haya.

Dadaalada deg deg ah ee Villa Soomaaliya ilaa hadda ma soo hoynin natiijo dhexdhexaad ah xataa, oo ugu yaraan laga bilaabi karro in markale Gudoomiyaha & Gudoomiye kuxigeenka JSP ay ka wada hadlaan mustaqbalka xisbigooda oo lagu kabay ajendayaashii ay isla wadeen.

16/03/2026

🔴DEG DEG:

Aqri wadamadan hoos kuxusan iyo sida ay ogasoo jawaabeen dalabkii Donald Trump ee ahaa in laga caawiyo sidii marinka Hormuz loo furi lahaa.

🇫🇷 France: Weydiiday
🇦🇺 Australia: Weydiiday
🇯🇵 Japan: Weydiiday
🇬🇧 Ingiriis: Wali wayka fakareysaa
🇰🇷 Koonfurta Kuuriya: Wayka fakareysaa
🇨🇳 Shiine: Weydiiday

Koonfur Galbeed ayaa soo rogtay amaro dheeraad ah oo lagu xanibay saraakiisha amniga in ay u socdaalan Muqdisho, iyagoo ...
16/03/2026

Koonfur Galbeed ayaa soo rogtay amaro dheeraad ah oo lagu xanibay saraakiisha amniga in ay u socdaalan Muqdisho, iyagoo aan haysan ogolaansho maamul.

Talaabadan ayay Koonfur Galbeed kusifeysay in ay socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, maalmo kahor sida aan tabinay DFS ayaa doonaysa in saraakiisha heer Federaal ee deeganadan kusugan in ay soo galaan Muqdisho.

Xariirka Laftagareen iyo Villa Somalia ayaa hadda dhaawacmay, iyadoo ay dawladdu doonayso in ay xakamayso gacan kuhaynya deegaanadan, balse madaxweynaha KG ayaa saacadaha soo socda kuwajahan Baydhabo, isagoo soo gaabshay safar Cumra oo uu kutagay Makka.

Address

Maka Al Mukaramah
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Buule media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category