Siyaasada Dunida

Siyaasada Dunida Kala soco siyaasadaha dunida iyo wararka caalamka

03/25/2025
03/24/2025

Waa maxay walaaca uu Netanyahu ka qabo Turkiga ?

Netanayahu ayaa u ololeynaya inuu ka horyimaado Turkiga , isagoo ku sheegaya inuu Turkiga khatar ku yahay danaha Israa’iil ee Bariga Dhexe! Wuxuu la meel dhigay Iran, isagoo ku tilmaamay inuu Turkiga si aamusan u dhisayo isbahaysi ka dhan ah Israa’iil oo aan ahayn sida Iran — ururro wakiillo ah , balse Turkiga wuxuu dalalka bariga dhexe ku qanciyay inay khatarta Israa’iil waqti walba la kulmi karaan!

Ka hor isbeddelkii Suuriya , waxaa wax badan laga maqlay Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkiga inay Israa’iil halis ku tahay Turkiga , illaa markii dambe la arkay isbeddel lama filaan ah oo ka dhacay Suuriya.

Sideebu u doonaya Turkiga inuu uga hortago khatarta ku wajahan?

Inqilaabkii fashilmay ee 2016 kaddib, Turkiga wuxuu qaatay siyaasad uu ku wajahayo khataraha dibadda halkii ay ka ahaan lahayd gudaha, tana waa sababta loo arkay Turkiga oo taageerraya kacdoon xukunka looga tuuray nidaamkii Bashaar Al-Assad, taa oo Turkiga u fududeysay inuu saameyn ku yeesho Suuriya , halkaana uga hortaggo khatar kasta oo iga imaan lahayd Israa’iil, sababtoo ah Suuriya ayaa ahayd goobta ugu fudud ee lagu gaari karo Turkiga, iyadoo loo marayo dhulka ay maamullan Kurdida , balse isbeddelka dhacay wuxuu meesha ka saaray khatartaa!

Turkiga wuxuu hiigsanayaa inuu ka hortaggo faragelinta shisheeye iyadoo la dhisayo xulafada gobolka iyo qaababka difaaca wadajirka ah, taas oo keentay in dhaqdhaqaaqyada millatari ee Suuriya, Ciraaq, iyo hawlgallada sirdoon ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Turkiga uu kordhay.

Wuxuu dhawaan Turkiga dhammeystiray heshiis milatari iyo sirdoon oo u dhaxeeya: Turkiga, Suuriya, Ciraaq, iyo Lubnaan, waxaana ku jira heshiiska hawlgallo wadajir ah iyo hab sirdoon oo ay iska kaashanayaan dalalkan, iyadoo ay hadda soo baxayso surtagalnimada ballaarinta heshiiskan oo ay ku soo biiri karaan dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Masar.

Ujeeddada ugu weyn ee heshiiskan laga leeyahay waa xoojinta iskaashiga sirdoonka iyo nidaamka difaaca hawada ee wadajirka ah si looga hortago awoodda sirdoonka Israa’iil.

Gabagabadii, Israa’iil, waxay u aragtaa heshiiskan inuu yahay beddelka Bariga Dhexe ee NATO, oo ka hortagaya saameynta Maraykanka iyo Israa’iil ee gobolka, halka Netanayahu uu u arkayo Erdogan inuu sugayo waqtiga saxda ah , si looga hortaggo dhaqdhaqaaqyada milatari ee Israa’iil ay ka wado bariga dhexe, iyadoo laga faa’iideysanayo isbeddelka ku yimid siyaasadda Mareykanka , kaddib markii maamulka Trump uu go’doomiyay xulafadiisa , kana baxay iskaashigii Mareykanka iyo dalalka kale ee NATO.

Siyaasada Dunida

03/24/2025

Dibedbaxyo xooggan oo gilgilay dalka Turkiga.

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay falal la xiriira musuqmaasuq.

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ayaa lagu waday in Axadi loo doorto musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga (CHP), doorashada xigta ee dhaceysa sanadka 2028-ka.

Qalalaasihii ugu weynaa muddo ka badan toban sano ayaa dalka ka dhacay Axadii, iyadoo mudaaharaadayaasha loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan.

Imamoglu ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadeysan. "Marna hoos isuma dhigayo", ayuu ku yiri qoray uu soo dhigay barta X ka hor xarigiisa.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhaleeceeyay mudaaharaadyada, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga CHP inay isku dayayaan inay "khalkhal geliyaan nabada oo ay kala fogeeyaan dadkeena".

Guud ahaan, isu soo baxyada ayaa ka dhacay ugu yaraan 55 ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga, ama in ka badan saddex-meelood laba meel oo dalka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Siyaasada Dunida

03/24/2025

Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday garoon ku yaala Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay mar kale gantaal ballistic ah ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion, iyagoo adeegsanaya gantaallada Falastiin-2.

“Howlgalku wuxuu si guul leh u gaaray hadafkii laga lahaa,” ayuu yiri afhayeenka dhinaca milateriga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay “dhowr gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn” ku garaaceen markabka diyaaradaha xambaara USS Harry Truman iyo tiro maraakiib dagaal oo Maraykan ah.

Siyaasada Dunida

03/24/2025

Kenya oo ka hadashay dagaal ay Al-shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taala Gaarisa.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa war ka soo saaray weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ku taalla deegaanka Faafi ee magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen lix askari oo ka tirsan ciidamada keydka ee Booliska.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan meydadka labo ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay ku raadjoogaan kooxda weerarka ku qaaday Magaalada Gaarisa.

Wareyska The Star ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay la baxsadeen dhaawaca xubno badan oo ka tirsan kooxda, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay dad ka afduubteen goobta la weeraray, islamarkaana ay la soo aadeen dhanka Soomaaliya.

Waxaa la tuhunsan yahay in kooxihii weerarka qaaday ay xerada u dhaceen oo ay la baxsadeen hub aan tiradooda la sheegin.

Waxaa jirta cabsi laga qabo weeraro kale, kadib markii la arkay dagaalamayaal abaabulan oo u sii socda dhanka Kenya.

Afhayeenka Adeegga Booliska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojinayaan dadaallada wax looga qabanayo khatarta joogtada ah.

“Ciidan badan ayaa la geeyay si ay uga hortagaan cadowga,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weerar ay Al-shabaab ka geystaan Magaalooyinka dalka Kenya.

Siyaasada Dunida

03/16/2025

Address

New York, NY

Telephone

+252684532516

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Siyaasada Dunida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share