15/03/2026
DEG-DEG “Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Ku Qaaday Jaamacadda Caafimaadka Burco Waa Gardarro Aan Qiil Lahayn” – Siyaasi Cabdikariin Xiniif
Siyaasi Cabdikariin Xiniif ayaa ka hadlay muranka ka taagan Jaamacadda Caafimaadka Burco, isaga oo sheegay in baadhitaan uu sameeyey kadib uu ku Ogaaday in tallaabada uu qaaday Wasiirka Caafimaadku ay tahay mid gardarro ah oo aan lahayn qiil sharci ah.
Xiniif wuxuu sheegay in intii ay socotay doodda ku saabsan arrinta Jaamacadda Caafimaadka Burco uu Marku aad baadhay, uu ogaaday in faragelinta wasaaraddu aanay ku dhisnayn nidaamka tacliinta sare ee dalka.
Wuxuu is weydiiyey in dalka ay ka jirto jaamacad kale oo maamulkeeda wasiir si toos ah u magacaabay, isaga oo tilmaamay in jaamacaduhu caadiyan leeyihiin Board ama gole maamul oo doorta maamulka jaamacadda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Jaamacadda Caafimaadka Burco ay si cad uga tirsan tahay nidaamka tacliinta sare, isla markaana aanay hoos iman Wasaaradda Caafimaadka, taas oo uu ku tilmaamay arrin faragelin ah iyo Gardarro ah Oo Uu sameyay Wasiirku
Qoraal u qoray Siyaasi Cabdikariin Xiniif Ayuu Siddan Ku Yidhi :
Arrinta Jaamacadda Burco ee hadalku ka taagan yahay, muddadii hadalku ka jireyba waan baadhayey, waxaana ii soo baxday in tallaabada wasiirku qaaday ay tahay gardarro aanu wax qiil ah u haysan.
Ma ka jirtaa dalkaba jaamacad kale oo maamulkeeda wasiir magacaabay?
Jaamacaduhu waxay leeyihiin Board maamulkiisa doorta, tani maxay kaga duwan tahay?
Jaamacaddu way caddahay inay hoos tagto tacliinta sare, meelna k**a soo gasho Wasaaradda Caafimaadka.
Miyay jirtaa kab ay dawladdu siiso oo Wasaaradda Caafimaadka loo soo mariyaa?
Wasiirku jaamacadda Adna iyana dee maamul ha u magacaabo.
— Siyaasi Cabdikariin Xiniif