Yaasir maanka

Yaasir maanka asc azxpta qaliga welcome and page

07/05/2026

Korneyl talo yaqaan baa qaranku ku taagnadaaye, Tuur iyo rasaas iyo colaad laguma taagaa'e, Talis iyo nidaam baa jiroo lagu tanaadaye,
Nin waliba halku tiig sadu talada garsiyaye

Dowladnimo tiir bay leedahoo lagu tanaasula'e,
Tuhun iyo hadal qiiro leh laguma toosnaado'e,
Taliska iyo amniga haddii talo la wada siiyo,
Tallaabada la qaadaa qaranka way u toogtaaye.

Korneylkan talada in loo idmaday baan tuhun katagneyne
Tacab badan habeen iyo dharaar buu tiirka u hayaaye,
Tixgelin iyo maamuus badan talada weydiintiiye, Turaanturo iyo qabyalad midna laguma tuhmaaye.

Galmudug amnigeedii haddii lagu tashaday maanta,
Guddoon iyo awaamiir hadday gacanta ugu dhiibeen,
Gobannimo ku dhehan dowladnimo waa go.aan kiiye
Cidna k**a gadoodaan wixii qaran ku go'aanshaaye.

Dadku qeyla wayn iyo hadal kala go' go'an reebye,
Qaar baa qiiro iyo xanaaq qabadsiinayaaye,
Qaran dumis haddaan laga digtoon qiiqa wuu kaceye,
Qof waliba halkuu joogo waa inuu
qaddariyaa'e.

Amarkii dowladda iyo sharci waa qodob sugane,
Qalbi adag nin loo xilsaaruu qaran ku dhowraaye,
Qofkii diida dowladnimo waa qallooc jiraaye,
Qaran baa ka weyn ruux kastoo qabiil ku qayliyaaye.

Korneyl talo yaqaan baan ahayn nin heyb laqotamiye
Qaran iyo dadkiisuu u yahay qalin iftiimaaye,
Qeyrkii nabadeed iyo amnigu waa wuxuu quudaaye,
Qof waliba ha gartee dalku qaran buu ku taagnaay
Maar Laqe ✍️

Address

Hadar Am
252

Telephone

+252616030845

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaasir maanka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yaasir maanka:

Share

Category