Noordiin Abdi Xusein

Noordiin Abdi Xusein Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Noordiin Abdi Xusein, Grocers, Nairobi, Moi.

26/09/2022

Waxaan boggaadinayaa hawlgallada ballaaran ee argagixisada al-shabaab looga xorreynayo deegaannada oo ay si wadajir ah u fulinayaan , ciidamada deegaanka ee , bulshada iyo qeybo ka mid ah iyo maamulladooda.

Gobolka Benaadir waa in sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan guri guri ah oo taxadir iyo asluub leh loo bilaabo si looga hortago dhagarta iyo weerarrada argagixisada ay maleegayaan.

Sidookale Gobollada kale ee dalka waa in hawlgallada ka dhanka ah argagixisada la bilaabo si aysan argagixisadu u helin fursad ay deegaan kale iskaga soo abaabulaan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA DALKA SUUDAAN OO NEW YORK KU YEESHAY KULAN DOCEEDMadaxweynaha Jamhuuriyad...
26/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA DALKA SUUDAAN OO NEW YORK KU YEESHAY KULAN DOCEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

26/09/2022

Nin xalay dhan qayilaayay aa adigoo saqdhexe sewcday subaxdi alaseey taalefan raaxada kaaga qaadaayo sidii in uu deen kugu leeyahay.

Marki aad soo kacdo oo aadan 10 miss call meesha ku aragto intaad naxdo ayaad waceyso, nag kaalayba ha qabto, mar ay duhuruki ku sii dhawdahay intuu soo tooso buu ku leeyahay “saakay maxaad taleefanka iiga qaban weyday”. Markaa tiraa “oo adiga maxaad u qaban weyday”. Wuxuu ku leeyahay “waan jiifay nooh”. Oo yaa soo jeeday marka?. “Bal waayahee maxaa darnaa oo aad waqtigaas ii soo wacday ma dhib baa jiray?”. Baad leedahay, wuxuu kuugu jawaabaayaa “mayee aniga iyo mid aan isla qayileynay baa waxaan isku qabanay Bisle waa siyaasi iyo maahe waa ciyaal xaafad”.

May bareejo ku kala qaataan oo ay dhahaan labadaba waa yahay xeey hurdada iiga qasaayaan.

Marqaan arooryaad meel Alle kaama soo galiyo.

Waa marki la dhigi jiray

Yaabka yuusan kaa dhamaane wax yar dulqaado.SHUUN gabar la yiraa hadii aad la yaabi jirtay igaarkaana waxaa la yiraa  CA...
26/09/2022

Yaabka yuusan kaa dhamaane wax yar dulqaado.

SHUUN gabar la yiraa hadii aad la yaabi jirtay igaarkaana waxaa la yiraa CAARE lol

Reer Waqooyiga waa ruwaayad caadi ah

EB: CAAR waxaa la dhaha xubinta taranka ragga. Afsoomaaliga eraygaas macno kale xitaa ma leh oo maaha erayada labada macno leh ama Afguriga isku badalo!

Waxaan maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 25 sanno guuradii kaso wareegtay aas-aaskii Jaamacadda Muqdishu oo ka...
26/09/2022

Waxaan maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 25 sanno guuradii kaso wareegtay aas-aaskii Jaamacadda Muqdishu oo kamid ah goobaha waxbarasho ee ugu horreeyay ee la hirgaliyay kaddib burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wadada kaliya ee aan barwaaqo, Nabad, Xasilooni iyo midnimo waarta ku gaari karno ayaa ah waxbarashada oo aan mudnaanta koowaad siino, Sidaas darteed waxaan aqoonyahannada iyo dhammaan bahda waxbarashada kula dardaarmayaa in ay qataan doorkooda ku aadan la dagaallanka fikirka xag-jirka ah iyo dadaallada dib-u-xorreynta ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo Dowladdu.

Cilmigeennu waa inuu amniga iyo gaajada naga xalliyaa, horumarinta dhaqaalaha uu qeyb ka qaataa, dhamaan caqabadaha bulsho ee na heysta xalkoodu waa inuu cilmiga ka yimaadaa. Waxaan u baahannahay cilmi baaris ay dad Soomaaliyeed sameeyeen si ay u soo baxaan natiijooyin xal loogu helayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed heysta.

Address

Nairobi
Moi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Noordiin Abdi Xusein posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Noordiin Abdi Xusein:

Share

Category