05/07/2025
Matoorka Markab aad u weyn ayaa cilladi ku timi, mana jirin cid shaqaalahiisa kamid ah oo hagaajin kareysey, markaas ayay shaqaalaysiiyeen Injineer farsamo yaqaan ah oo leh khibrad ka badan 40 sano.
Kor ilaa hoos ayuu matoorka si taxadar leh u eegay, markuu wax walba hubiyey ayuu Injineerkii sheegtay qiimahasa $20,000 (labaatan kun) ah ee uu ku hagaajinayo matoorka, waana la isla af gartay qiimahaas.
Boorsadiisa ayuu kala soo baxay dubbe yar. Si tartiib ah ayuu ugu garaacaya saddex meelood oo uu sii calaamadiyey, matoorkuna waxa uu bilaabay inuu mar labaad u shaqeeyo si caadi ah.
Injineerka shaqada wuu dhameeyey, wuxuuna dalbaday in la siiyo lacagtiisii, markaas ayuu ninkii markabka lahaa ku yidhi " Waxba ma aad samayn, keliya dubbe yar ayuunbaad meelo dhowr ah ku garaacday, sidee ayuu adeegga intaas leegi ku noqon karaa 20kum.
Injineerkuu wuxuu yidhi: "Jawaabtu waa sahlan tahay. Qiimaha garaacistu waa keliya $2. Ogaanshaha meesha uu dubbuhu ku dhacayo, Awoodda dubbaha iyo inta jeer ee lagu dhufanayona waa $19,998.
***
Waa muhiim in la qiimeeyo ahmiyadda ay aqoonta iyo waayo-aragnimadu. Haddii aan shaqo kuugu qabto 30 daqiiqo, taasi waxay la micno tahay in aan 20 sano baranayey sidii aan hawshaas 30 daqiiqo ugu dhamayn lahaa. Qiimahaygu waa 20-ka sano ee ma aha 30-ka daqiiqo.