aarka awrbogaysed

aarka awrbogaysed WIXI CUSUB NAGALA SOCO

05/01/2025

Dunida ayaa mar kale qarka u saaran safmar oo lamid ah Koofid19; ka dib markii Shiinaha lagu arkay feeras cusub oo lagu magacaabo Hmpv, kaasi oo leh isla calaamadihii Kofid19.

Bulshada SSC-Khaatumo Waxaa Lagu Wargalinayaa inay Ka Qeyb Qaataan Dhismaha Cusbitaalka Caasimada Kumeel Gaadhka Ee Fiqi...
06/09/2024

Bulshada SSC-Khaatumo Waxaa Lagu Wargalinayaa inay Ka Qeyb Qaataan Dhismaha Cusbitaalka Caasimada Kumeel Gaadhka Ee Fiqi-Fuliye Ee Gobalka Sanaag kaas Oo la bilaabay qorshaha dhismihiisa Waxaana la Doonayaa in muddo Kooban lagu Soo Gaba gabeeyo dhismaha Cisbitaalka.

aarka awrbogaysed

30/08/2024

CEERIGAABO

Waxan idiin balan qaadayaa inaan idinla wadaagi doono xaalad walba oo ka soo cusboonata magalada

Bogayga kuma soo gud-bin doono buun buuninta isku dirka umada walaalaha ah ee reer ceerigaabo iyo dhacdo ama war been ah oo ku salysan caadifad

Weriye nimadu ma ah isku dir iska hor keen, taas badelkeeda waa soo gud-binta war saxa oo ku saabsan dhacdooyinka markaa dhacaya

Qof walba oo doonya war-sugan marka xaladi ka soo cusboonato magalada HAL-KAN NALA JOOG

MAHADSANIDIIN

BAAQ NABADEEDSuldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid  Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa baaq nabadeed u d...
29/08/2024

BAAQ NABADEED

Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa baaq nabadeed u direy beelaha deegaan wadaagta ah ee colaadu ku dhexmartay Magaalada Ceergaabo iyo Deeganada ku dhow.

Waxaan ugu baaqaya dhaaman beelaha dhibtu ka dhex dhacday inay nabada qaataan, dhibtana halkaas ay maanta joogto lagu xakameeyo, sidoo kale loo dhego nuglaado dedaalada nabada ee ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka

Waxaan ugu baaqaya waxgaradka gobolka iyo odayaasha dhaqanka inay dedaalkooda nabadeynta sii adkeeyaan lana kaashadan waxgaradka dalafyada labada dhinac ee dhibtu dhexmartay IWM.

Waxaan sidoo kale tacsi la wadaagaya ehelada dadkii ku dhintay dhibataas in ilaahay samir iyo iiman kasiiyo intii dhaawaca alle u boogo dhayo.

Waxaan bulshada Gobolka Sanaag iyo dhamaan ummada soomaaliyeedba alle uga beryaya inuu colaada iyo dhibka kasaaro.

WABILAHI TOWFIIQ

DEG:DEG:  waxba k**a jiraan wararka been abuurka ah ee dadku isla dhex marayaan Baaqa nabada gudiyadii nabada iyo culima...
29/08/2024

DEG:DEG: waxba k**a jiraan wararka been abuurka ah ee dadku isla dhex marayaan

Baaqa nabada

gudiyadii nabada iyo culimada hawl fiican baa u qabsoontay si wanaagsana waa laysu fahmay.
Beri insha Allah waxa qorshaysan in saxaafada la mariyo warka gudida dhaqanka.

waxana cadaynaya in haba yarate aanay jirin wax lagu kala kacay oo laysla fahmi waayey

Dad waynahana waxan leeyahy aan wax hubsano oo yaan la faffing war aan lahubin.

Sh: cabdirashiid Axmed yuusuf

 : Shiirkii  ceerigabo uga socday beesha dhulbahante iyo habaryonis , ayaa lagu'kala kacay ka dib markii beesha dhulbaha...
29/08/2024

: Shiirkii ceerigabo uga socday beesha dhulbahante iyo habaryonis , ayaa lagu'kala kacay ka dib markii beesha dhulbahante u cuntami weeyday warki dhanka kale kayimi . Gartoda, beesha warsangeli oo xidhe u ahayid beesha dhulbahante iyo beesha habarjeclo oo xidhe u ahayid beesha habaryonis

Garta beesha dhulbahante ayaana u dhignayid sidan, daantoda aanu magaalada ka degno cidna marti uga noqon mayno waxaanuna keenaynaa wixii aanu doono.

CEERIGAABO: Xaaladda magaalada ayaa kacsan, iyada oo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasi oo ciidamada...
27/08/2024

CEERIGAABO: Xaaladda magaalada ayaa kacsan, iyada oo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay saaka ka dhoobeen gaadiid dagaal.

Xiisaddan ayaa timi ka dib markii xalay xilli danbe ciidanka Booliiska Somaliland ay weerar ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, iyada oo kolkaas laba askari laga dhaawacay Booliiska SL.

Wiilka la diley oo lagu magacaabo Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Cisbitaalka Guud ee degmada, balse Somaliland waxa ay xidhay ninkii baabuurka ku waday, iyada oo Salmaanna uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay inoo sheegeen ilo-lagu-kalsoonaan-karo.

Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood.

NASHQADDA MAGAALADA IYO AARGADA  DEGMADA CUSUB EE DUUD-CARAALE
22/07/2024

NASHQADDA MAGAALADA IYO AARGADA DEGMADA CUSUB EE DUUD-CARAALE

AQRISO Maanta Oo kale Nabigeena Maxamed Scw  Muxuu nooga Dardaarmay? Muxuu la Ooyay? Saxaabada Maxey La Ooyeen?Aqriso Qo...
15/06/2024

AQRISO Maanta Oo kale Nabigeena Maxamed Scw Muxuu nooga Dardaarmay? Muxuu la Ooyay? Saxaabada Maxey La Ooyeen?

Aqriso Qoraal aan ka diyaariyay qudbadii ugu dambeeysay Nabi Maxamed oo aan idin soo koobay...

(walaal sii faafi Qoraalkan, wax la faafiyo waxaa ugu qeer badan Hadalka Nabi Maxamed Scw)

• SAXABAADA OO OOYAY 😭

- Rasuulka SCW maanta oo kale Carafo, wuxuu isugu yeeray dhammaan umadda reer Makka iyo Saxaabada oo idil, isagoo u sheegay in ay tahay markii ugu dambeeysay oo ay kulmaan.

Saxaabada marka ay hadalka Rasuulka maqleen wey ilmeeyeen, aad ayey u qiiroodeen. Rasuulka ayaana yiri...

"War dadoow i maqla, laga yaabee sanadkaan inuu yahay midka ugu dambeeya ee halkaan aan kuwada kulanno".

• YAAN LA DAADIN DHIIGA DADKA

"dadoow dhiigiina iyo in midkiina midka kale xoolihiisa ku xadgudbo xaaraan ayuu idinka yahay ilaa Alle aad kala kulmeeysaan" ayuu yiri Rasuulka.

Sidoo kale Waxaa alle Quraankiisa uu ku sheegay in Qof muslim ah oo si gardaro dhiigiisa loo daadiyo ay kala qiimo badan tahay adduunka oo dhan.

• HA AARGUDAN

Nabigeena Maxamed Scw wuxuu maalintaas yiri "Ribada waa xaaraan, iska ilaaliya, Sidoo kale qofkii qof amaano ka hayya ha u celiyo amaanadiisa"....

Rasuulkeena Maxamed ayaa ka dardaarmay in aargudashada ay tahay wax aan fiicneen.

• "RAGOOW WAXAAN IDIN FARAYAA DUMARKA INAAD DHOWRTAAN"

Nabi Maxamed SCW ayaa 1,400 oo sano ka hor wuxuu ka hadlay xuquuqda dumarka. Maalintaas aad ayuu ula dardaarmay raga qaba xaasaska. Wuxuu yiri Sharaf badne.....

"War ragoow dumarkiina Xaq ayey idinku leeyihiin, idinkuna xaq ayaad iyaga ku leedihiin. U naxariista, wanaagiina tusa, xumaantiina hatusina, u ilaaliya sida quraarad ama dhalo oo kale..."

Sidoo kale Rasuulka wuxuu ahaa mid caawiya markasto dumaka. Tusaale ahaan wuxuu soo gali jiray guriga, markuu arko Caa'isha oo dharka dhaqeeysa isagana dharka ayuu qeyb ka wari jiray.

Waala diiday dumarka oo la garaaco ama la aflagaadeeyo. Waligaa dumar ha caayin

• CUNSURNIMADA

- Nabigeena Maxamed wuxuu leeyahay "Kiina idinku cabsi badan ayaa alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah k**a fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna k**a fadli badna qof carab ah"....

Maantana waxaan aragnaa Wadankeena Soomaaliya in qabiilo qaar la liido, taas oo diinta islaamka aysan ina farin.

• SOO DHOWEEYA MARTIDA XITAA

Rasuulka wuxuu maalintaas yiri "Dadoow qof Marti ah si wanaagsan ula dhaqma xitaa haddii ay yihiin cadow ama qof aan heysan diinta islaamka..."

Tusaale waxaa noogu filan markii Rasuulka scw ay marti qaad u fidisay haweeney Yahuudi ah oo uu ka aqbalay.

• MAKKA

- Nabigeena Maxamed SCW wuxuu ku dardaarmay in aan dhibaato la gaarsiin magaaalada Makka iyo guud ahaan Dhulka barakeeysan ee Sacuudi Carabi.

Wuxuu ku dardaarmay in Qof Makka u soo hijrooda aan dhibaato la gaarsiin.

• SALAADDA

- Rasuulka wuxuu aad iyo aad ugu dardaarmay Salaadda, isagoo yiri "SALAADDA, SALAADDA, SALAADDA, War dadoow Salaadda ilaaliya, oo yaan laga tagina, acmaasha ugu wanaagsan ee la qabto waxaa ugu qeer badan Salaadda"....

• ALLOW MARQAATI IIGA NOQO 😭

- Rasuulka ayaa Asxaabtiisa weydiiyay "Alle wuxuu idinku keey soo dhiibay soo idinma soo gaarsiin?

Asxaabadii ayaa dhaheen "haa Rasuul Allow"... Kadib Rasuulka ayaa yiri "Allow marqaati iiga noqo, Wax walbo oo umadda aad iigu soo dhiibtay waan gaarsiiyay"...

Maalintaas waxaa ooyay oo qiirooday dhammaan umaddii halkaas isugu timid, waxa ayna ahayd sanadkii ugu dambeeyay ee Rasuulka uu u qudbeeyo saxaaabada. Isla sanadkaan ayuuna xabiibka alle geeriyooday.

Allaha inaga dhigo Kuwa qaata Hadalka Rasuulka SCW aamin yaa allah

Waxaa qoray: Idris AbdulkadirAQRISO Maanta Oo kale Nabigeena Maxamed Scw Muxuu nooga Dardaarmay? Muxuu la Ooyay? Saxaabada Maxey La Ooyeen?

Waxaa qoray: Idris Abdulkadir

Alle Ha u Naxariisto   Col.  Halgamaa Cabdi Hassan Bidde oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay  10/06/2024, De...
10/06/2024

Alle Ha u Naxariisto Col. Halgamaa Cabdi Hassan Bidde oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/06/2024, Degmadda Awr-boogays Ee Gobolka Sanaag.

Marxuum Korneyl Halgamaa Cabdi Hassan Bidde Wuxuu ka mid ahaa raggii sida adag uga qaybqaatay halgankii deegaankeenna SSC KHAATUMO lagaga sifeeyey cadawgii Soomalilaan, isagoo lagu xasuusan doono inuu ahaa geesi leh hoggaamin sare oo dhanka dagaalka ah. Sidoo kale wuxuu ka soo qayb-qaatay halgamadii kala danbeeyey Ee Deegaanka lagu difaacayay

marxuumka waxaan ALLE uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo

Puntland ayaa xabsi dhigtay; Guddoomiyihii Maxk**adda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cab...
09/06/2024

Puntland ayaa xabsi dhigtay; Guddoomiyihii Maxk**adda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cabdiraxmaan Fool-jaawe, Xeer-ilaaliyihii Maxk**adda Derejada koowaad ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool Mr.Keenadiid, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha maxk**addaasi, Mr.Qoolle iyo laba garsooe oo la kala yidhaahdo, Cali Sahal iyo Cabdiweli Xuseen.

Mas'uuliyiintan ayaa la sheegey in madaxtooyadu u haysato sii deynta rag ku eedeysnaa Burcad-badeed oo ay wax-ku-waayeen.

Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland oo ku foogan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ayaa la sheegey in uu ku howllan yahay xuquuq helista mas'uuliyiinta la xidhxidhay.

Address

Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when aarka awrbogaysed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category