Mohamed Dahir Hassan

Mohamed Dahir Hassan Halkaan Muuqaalo Ku qanciya inshallah

Macmiil waxaan idiin keenay Malab saafi ah 100% waxaad ka heleysaa BULAAL PHARMACY AND MEDICAL CENTER oo ku yaal wadada ...
30/10/2024

Macmiil waxaan idiin keenay Malab saafi ah 100% waxaad ka heleysaa BULAAL PHARMACY AND MEDICAL CENTER oo ku yaal wadada Amal Group aaga guriga Caasha geele ama gurigii Gaagaab
Nagala soo Xiriir 0907380493

Macmiil waxaan kuu keenay Caanaha Nunalac waxaad ka heleysaa BULAAL PHARMACY AND MEDICAL CENTER oo ku yaal wadada Amal G...
22/10/2024

Macmiil waxaan kuu keenay Caanaha
Nunalac waxaad ka heleysaa BULAAL PHARMACY AND MEDICAL CENTER oo ku yaal wadada Amal Group aaga guriga Caasha geele ama gurigii Gaagaab

09/03/2023

Ideologyada qabiilka iyo udagaalanka qabiilka
Shiekh Mustafe Hajji ismacil

09/03/2023

ISLAAMKA IYO ISBADALKA WAQTIGU KEENO IYO DIIDMADIISA KU AADAN ARKI JIRAY DOONIMADA.
Diinta Islaamka waa Diin Waqtiga iyo Casriga la saanqaadda oon inaba qaab nololeed waqtigu keenay ka hor imaanin.
Kaliya Qawaaniinta Diinta Islaamka ee diidis iyo doonisba leh waa kuwo ku salaysan maxaa Xaq ah maxaase Baadil ah,maxaa Dulmi ah?!! maxaase Caddaalad ah?!! maxaa Sax ah?! maxaase Khalad ah?!maxaa Maslaxo ah oo dani ku jirtaa?! maxaanse Maslaxo ahayn oo aysan dani ku jirin?! maxaa Dhib ah?!maxaase Dheef ah?!
Sidaa darteed ayay Fuqahada Muslimiintu waa h**e dajiyeen xeerar ay ka soo dhirindhiriyeen Nusuusta Diinta Islaamka oo arimahaa ka hadla oo ay u bixiyeen “Aasaaska Fahamka”
"اصول الفقه"
Qodob ka mid ah Qodobadaa Usuuliga ah ayaa wuxuu oranayaa:-
"جعلت الدين جلب مصلحة أو تكميلها أو دفع مفسدة أو تقليلها)"
“Diintuba waxaa loo soo dajiyay in ay Dan Cusub soo jiiddo ama mid jirtay dhamaystirto,ama ay waxyeello meesha ka saarto ama ay yarayso”.
Sidaa darteed Diinta Islaamku xaalad gaar meel uguma xirxirna ee waa Diin hadba la socota ama lala socodsiin karo Waqtiga la joogo.
Culimada Islaamka iyaga oo fahamkaa ka shidaal qaadanaya ayaa waxay u kala saareen Diinta Islaamka waxyaalo sugan oon isbadalin "ثوابت"iyo waxyaabo isla badala hadba xaaladda la joogo "متغيرات".
Bilmatal:- Iimaanku isma badalo,oo ma dhici karto in jiritaanka Eebe iyo rumayntiisu ay xaalado kontaroolaan.
halka ay dhici karto in waxyaabo badan oo Nolosha hareeya ay xaalado yimid darteed wax ka badalaan.
Xitaa Cibaadooyinka Eebe lagu Caabudo qaar ayaa xaalado yimid wax ka badali karaan,sida:-Salaadda iyo Soonka oon u sinayn Safarka iyo nagida,oo waxaad arkaysaa Salaado afar ragcadood ka koobnaa oo laba laga dhigayo xilliga Safarka iyo Salaado xiliyo kala duwan la kala tukun jiray oo mar la wada jamcinayo xaalado,Safar,dagaal,jirro iwm oo yimid darteed.
Si taa la mid ah Soonkii waajibka ahaa ayaa xiliyada qaar sida Safarka,jirada,da’da iwm ay wax ka badalayaan oo dadka qaarkii in ay omatida cunaan maalinta Ramadaan ay fasax u tahay.
Diinta fudud ee sidaa xaaladaha u qiimeynaysa waxaa suurad xumeya kolka ay dadka rumeysan qaarkood ku soo darriyaan Afkaaro aysan shaqo ku lahayn oo xag jir ah iyo fahamyo khaldamay oo si walba u khilasfsan aasaasiyaadkeeda.
Dadku qaar waxay yiraahdeen cid Alla ciddii wax aan h**e u maqli jirnay waxaan ahayn noo keenta ka dhagaysan mayno xitaa haddii ay Xaq daliil wata yihiin.
Oo kolkaa maxaa looga duwanaanayaa gaaladii tiri:-
‎"مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي الْمِلَّةِ الْآخِرَةِ إِنْ هَٰذَا إِلَّا اخْتِلَاقٌ"
"Kuma aanan maqlin waxaan diintii u dambaysay war waxanu waa been abuurad"
Islaamku ma yaqaan Aabayaal iyo Awoowayaal la raaco iyo in lagu xayirnaado Afkaar boqolaal sano ka hor dad waqtigoodii noolaa ay dajiyeen,bal wuu diiday taas
‎وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّبِعُوا مَا أَنزَلَ اللّهُ قَالُواْ بَلْ نَتَّبِعُ مَا أَلْفَيْنَاعَلَيْهِ آبَاءنَا أَوَلَوْ كَانَ آبَاؤُهُمْ لاَ يَعْقِلُونَ شَيْئاً وَلاَ يَهْتَدُونَ} سورة البقرة(170)
"Hadii lagu yiraahdo raaca wixii Alle soo dajiyay waxay oranayaan maya ee waxaan raacaynaa wixii aan ka soo gaarnay Aabayaashayo,oo bal ka waran hadii ay Aabayaashood ahaayeen kuwo aanan waxba garanaynin ama aan hanuunsaneyn".
Sidiisaba Islaamku waa diin Tadawurka iyo Isbadalka Waqtiga la jaanqaadi karta oo aan waxba badan ku xirin salaf iyo dad tagay oo waqtigooda noolaa oo Ilaahay Aayado badan buu arintaas ku xusay.
‎تِلْكَ أُمَّةٌ قَدْ خَلَتْ ۖ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَلَكُم مَّا كَسَبْتُمْ ۖ وَلَا تُسْأَلُونَ عَمَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ
"Taasu waa Umad h**e u tagtay wixii ay kasbatay ayay leedahay idinkuna wixii aad kasbataan mana laydin weydiin doono wixii ay sameyn jireen"
Wuxuu kale oo Ilaahay swt yiri:
‎﴿ يَسْأَلُهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ
"Alle waxaa baryaya inta Samada iyo Arlada joogta maalin kastana xaalad gaar ah ayuu ku sugan yahay".
Rasuulku scw waxa uu yiri:-
‎ وعن أبي هريرة رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أنه قال :
‎( إِنَّ اللَّهَ يَبْعَثُ لِهَذِهِ الْأُمَّةِ عَلَى رَأْسِ كُلِّ مِائَةِ سَنَةٍ مَنْ يُجَدِّدُ لَهَا دِينَهَا )
‎رواه أبو داود (رقم/4291) وصححه السخاوي في "المقاصد الحسنة" (149)، والألباني في "السلسلة
‎الصحيحة" (رقم/599)
"Ilaahay waxa uu Umaddan usoo saari doonaa boqol sano oo kasta cid u jadiidisa diinkooda oo u waafajisa hadba waqtiga ay nool yihiin"
Sidaa darteed bidco maaha in dadka Muslimka ahi kula noolaadaan Islaamkooda faham usuubada waqtigooda.
Islaamku waa Diin hor u socod oo Cilmiga iyo Caqliga ku miisaanta hadba waxa taagan,wuxuuna u taagan yahay Maslaxo joogto ah oon xuduudo xayiri karin.
Faham kasta oo micnahaas u dhow waa midka ka tarjumaya ujeedooyinka Islaamka ee saxda ah.
Laakiin Afkaar kasta oo fadhiid ah ee caburinaysa Cilmiga iyo Isbadalka xaga san loo qaaday waa rajci iyo fadhiid aan Diinta Islaamka sal ku lahayn Umadda Islaamkana ka dhigaysa kuwo laga tagay oo qeyrkood ka haray.

Xaigasho Cabdulaahi M.Xuseen

09/03/2023
09/03/2023

Isagoo Nool ayuu Foornada Ku Karsamay

08/03/2023

MADAXWEYNAHA NAMIBIYA AYAA DARSI ADAG SIIYEY SAFIIRKA JARMALKA.

08/03/2023

10 Shay Muhiim ku eh only dadka gaaray 30+

07/03/2023

100 Oraah iyo Xikmad Noloshaada Gabi ahaan badali doono

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Dahir Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Dahir Hassan:

Share

Category