Halyeyga Xisbiga Nabad&Nolol

Halyeyga Xisbiga Nabad&Nolol KUSOO DHAWAW PAGE HALYAY XISBIGA NADAB&NOLOL SI AAD XOGAHA XISBIGA ULA SOCOTO FOLLOW GAREE

23/08/2026

Madaxwayne hawlkara Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Insha Allah markale Dalka hogaami..

17/08/2026

Qaabkii loogu Soodhaweeyay Puntland 2018 Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

13/08/2026

Barakicinta, dhul-boobka iyo adeegsiga awoodda ciidan ee ka dhanka ah bulshada ku dhaqan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waa fal arxan darro ah oo ka soo horjeeda xuquuqda muwaadiniinta iyo waajibaadka hay’adaha dowladda.

Waa nasiib darro in Madaxweynaha muddo dhaafka ah oo caadeystay barakicinta dadka nugul ee caasimadda uu xabad iyo xoog u adeegsado muwaadiniinta sida nabadda ah u muujinayey cabashadooda ku aaddan burburinta hantidooda iyo barakicinta qoysaskooda.

Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay ilaalinta nafta, maalka iyo karaamada muwaadinka, ee ma aha in awoodda dowladda iyo hay’adaha amniga loo adeegsado caburin iyo barakicin. Shacabku waxa ay xaq u leeyihiin in ay si nabdoon uga dhiidhiyaan tacaddiyada loo geysto.

Ciidamada iyo hay’adaha amniga waxaa waajib ku ah in ay dhowraan sharciga, ilaaliyaan shacabka, kana fogaadaan in loo adeegsado falal dhaawacaya karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

DHAMMAAD

👏👏
12/08/2026

👏👏

Siideynta Sacdiya Macalin Cali oo ah gabar dhallinyaro ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dhallinyarada, xoogsatada iyo haweenka, waa tallaabo soo dhoweyn mudan, balse ma tirtirayso gabood-falkii lagula kacay, xariggii dheeraa iyo sida hay’adaha dowladda loogu adeegsanayo caburinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xisbiga Nabad iyo Nolol waxa uu adkeynayaa in xarigga iyo cadaadiska lagu hayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday in ay aragtidooda cabbiraan, xuquuqdooda u doodaan, kana shaqeeyaan dowladnimo ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo isla-xisaabtan uu yahay arrin ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo dowladnimada.

Dhallinyarada Soomaaliyeed lama cabsi gelin karo, lama aamusiin karo, mana aha dad lagu hoggaamin karo cadaadis iyo dano shakhsi ah, waxa ay leeyihiin awood, karti iyo rabitaan ay ku xaqiijin karaan Soomaaliya horumarsan, loo siman yahay, dimuqraadi ah, dadkeeduna haystaan nolol wanaagsan.

10/08/2026

Madaxweynihii 9aad ee Dalka waxa uu fursadsiiyay Dhalinyarada si ay Qarankooda ugu shaqeeyaan

30/07/2026

Wadani Dalkiisa usoo shaqeeyay Madaxweynihii 9aad Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Address

Garoowe

Telephone

+252906213432

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halyeyga Xisbiga Nabad&Nolol posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category