jama jano gale

jama jano gale Hon jama abd

Fadhi reer wacayse
08/09/2023

Fadhi reer wacayse

22/03/2023

Marka roobku a da aayo gabdhuhu waxa ka difaacan Raga labo cudur serious 😃

22/11/2022

Risqiisa seege ama risqiisa wase
Hadad maqasho waa ninkan oo kale

Nin ayaa gabdha la sheekaystaye xiriir dheere kabdi waa uu guursadaye gabdhi marku guursadye
Waxa usoo baaxaye gabdhi fiise maraykan aha gabdhi way tagataye marykanka muda kadib waxa ninkii usoo dirtaye lacaga bilkasata ah si joota ah

Ninkii wuxu barataye gabdh kale wuuna guursaye lkn intuusan dhisan ayaa fiise usoo baxaye iyana gabdhi kalena waxaye tagataye marykanaka waliba gobolkii gabdha kale ku noloolayd

mudo kadib waxaye bilowdaye inaye lacaga usoo dirto ayana
lkn nasiib daro waxa maalintii danbe xawaalad iskugu soo galeene gabdhii kale warana iskuma hayaan markaye is arkeen ileen waa meele soomalidu ku yaratahaye waye is barteen barasho ka dibi mibaa waaxaye damacadye inaye

xawaalad lacaga u dhigto ninkii markii magaciisa la naadiseye ayaa gabdhi kale maqashaye waye soo boodaye oo tiri naa ninkan miyaada taqaan saye tiri haa waa ninkayega labadii gabdhod way dagaalen

Dagaala kadib waye heshiiyen waxan ku tashadeene ninka in aya iska furaana waye waceene
Halamr waxan ku dheehen waan ku furnaye😂 halamar 😂

21/11/2022

Calqamah waxa uu noolaa waqtigii Nabiga (Scw) waxa uuna ahaa mid salaad, soon, iyo sadaqo badan kuna dadaala cibaadada. Markii aysoo dhawaatay geeridiisa ayuu calqamah xanuunsaday xanuun daran xaaskiisa ayaa Nabiga (Scw) usoo carartay una sheegtay xaalka ninkeeda Calqamah.

Nabiga (Scw) waxa uu diray Camaar, Suheyb, iyo Bilaal Rc, waxa uuna ku yiri: “aada oo usoo laqima shahaadada”, Wey aadeen waxeyna u tageen isaga oo ay nafta kusii dabo-yartahay waxa ayna bilaabeen in ay u laqimaan shahaadada, balse carabkii Calqamah ayaa diiday in uu ku dhawaaqo shahaadada. Arrintii Nabiga (Swc) ayey u sheegeen.

Nabiga (Scw) waxa uu yiri: Waalidiintiisa wax maka noolyihiin? Markaasaa lagu yiri: Haa Nabi Alloow, hooyadiis oo da’ ah ayaa nool. Nabiga (Scw) waxa uu yiri: Waxaad ku dhahdaan (hooyadiis) haddii aad awoodo socodka u imaw Nabiga, haddii kale joog gurigaaga illaa uu Nabiga kaaga yimaado

Calqamah hooyadiis waxaa loo sheegay akhbaartii waxeyna tiri: Nafteyda tiisa halagu furtee isagaa iga xaqnimo badan in aan u tago. Duqdii inta ay usheeda cuskatay ayey u tagtay Nabiga (Scw) weyna salaantay Nabigana waa ka radiyay, waxuuna ku yiri: Umu-Calqamah run ii sheeg haddii aad been ii sheegtana waxyi ayaa ka iman doono xagga Rabbi ee siduu ahaa xaalka wiilkaaga calqamah? Waxeyna ku jawaabtay: waxa uu ahaa mid salaad, soon, iyo sadaqo badan. Markaasuu Nabigu yiri: Bal kawaran adigana xaalkaaga? Umu-Calqamah waxey ku jawaabtay: Rasuulkii Allow aniga waa u careysanahay wiilkeyga. Markaasuu Nabigu yiri: Sabab? Waxey ku jawaabtay: Wiilkeyga waxa uu ahaa mid adeeca xaaskiisa aniga igu caasiya!

Nabiga (Scw) waxa uu yiri: Carada Umu-Calqamah carabka Calqamah waxa ay u diiday Shahaadada, kadibna waxa uu yiri: Bilaalow orod oo xaabo badan iisoo aruuri. Markaaseey Umu-Calqamah dhahday: Rasuulkii Allow oo maxaad ku sameyneysaa? Nabiga (Scw) waxa uu ku jawaabay: Hortaada ayaan rabaa in aan ku gubo!

Umu-Calqamah int ay naxday ayey tiri: Rasuulkii Allow, qalbigeyga uma adkeysan karo in wiilkeyga leygu hor gubo. Nabiga (Scw) waxa uu ku yiri: Cadaabka Alle ayaa ka daran kana waaris og, haddii aad dooneyso in uu Alle wiilkaaga u dambi dhaafo cafi oo ka raali noqo. Nabiga isaga oo hadalka sii wata waxa uu yiri: waxaan ku dhaartay Allahii nafteyda ay gacantiisa ku jurtee Calqamah waxba uma tareyso soonkiisa salaadiisa iyo sadaqadiisa inta ay hooyadiis u careysantahay.

Waxey tiri (Umu-Calqamah): Rasuulkii Allow, waxaan Alle iyo Malaaigta iyo Muslimiinta ku marqaati gelinayaa in aan cafiyay kana raali ahay wiilkeyga Calqamah. Kadib Nabiga (Scw) waxa uu diray Bilaal waxa uuna ku yiri: Tag (aad) oo Bilaalow soo fiiri Calqamah in uu awoodo in uu dhihi karo “LAA-ILAAHA-ILALLAAH” iyo inkale, waxaa laga yaabaa Umu-Calqamah in ay sheegeyso wax aanan qalbigeeda ku jirin

Bilaal wuu tagay waxa uuna guriga ka dhax maqlay Calqamah oo ku dhawaaqaya “LAA-ILAAHA-ILALLAAH”. Bilaal guriga ayuu horay usii galay dadkii agjoogay Calqamah ayuu ku dhahay sida tan: Carada Umu-Calqamah waxey Calqamah carabkiisa u diiday shahaadada, markii ay ka raali ahaatayna shahaadada ayuu ku dhawaaaqay!

Haddii aan intaas ku soo koobo sheekadii Calqamah Nabiga (Scw) waxa uu yiri: Qofkii xaaskiisa ka fadhilo (ka sareysiiyo) hooyadiis korkiisa waxaa ahaatay nacladda Alle iyo Malaaikta iyo tan dadka oo dhan.

Nuxurka sheekada. Calqamah waxba uma tareyso soonkiisa salaadiisa iyo sadaqadiisa inta ay hooyadiis u careysantahay-Nabi Muxammad Scw

Welcome  jama jano gale page
20/11/2022

Welcome jama jano gale page

Address

1234
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when jama jano gale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to jama jano gale:

Share

Category