HE Ibrahim Abdirahman Sofe

HE Ibrahim Abdirahman Sofe MA Public Management

Hambalyo hogaanka sare ee maamulka SSC-KHAATUMO waxaa horyaala hawlo adag oo ay ugu horayso xoraynta difaaca gobolka Soo...
05/08/2023

Hambalyo hogaanka sare ee maamulka SSC-KHAATUMO waxaa horyaala hawlo adag oo ay ugu horayso xoraynta difaaca gobolka Sool allaha idiin fududeeyo masuuliyadaas culus.

Sharaf bay ii ahayd inaan maanta ka qayb galo  hadhimo sharafeedkii lagusoo dhawaynayay isimadii dhaqanka ee gobolka mud...
16/07/2023

Sharaf bay ii ahayd inaan maanta ka qayb galo hadhimo sharafeedkii lagusoo dhawaynayay isimadii dhaqanka ee gobolka mudug oo maalmahaan garowe ujoogay xalinta shaqaaqadii kadhacday garowe, waxaan umahadcelinayaa agaasimihii h**e ee wasaarada Amniga Puntland Mohamed imaan Abdulle oo martiqaadka sameeyay isimadu marwalba waa astaanta nabada iyo iskuhaynta bulshada guul iyo horumar baan urajaynayaa guud ahaan reer Puntland insha allaah.

Nin wasiir ahaa ayaa hada kahor shir jaa,id qabtay markii saxaafadu su,aalo ka waydiisay shirkii wuxuu ugu jawaabay "kad...
11/07/2023

Nin wasiir ahaa ayaa hada kahor shir jaa,id qabtay markii saxaafadu su,aalo ka waydiisay shirkii wuxuu ugu jawaabay "kadhex gurta haatan Sheekadu waxay kusoo uruurtay kadhexgurta, assingment adag baala isudiray fasir inta muuqata ka gudawayn baaloo baahan yahay, bah carbeed ciyaar maaha🤔.

Waxaa maanta guud ahaan ka furmay Puntland itixaanka shahaadigaa wuxuu kufurmay si guul ah waxaana ufariistay inkabadan ...
10/06/2023

Waxaa maanta guud ahaan ka furmay Puntland itixaanka shahaadigaa wuxuu kufurmay si guul ah waxaana ufariistay inkabadan 22kun oo arday oo isugu jira fasalka 8aad iyo 12aad ee dugaiga dhexe iyo sare waxaa xusid muduan inay sanadkaan kaqaybagalayaan itixaanka 3000 oo arday oo kasoo qaxay dagaalka laaascaanood waxaan urajaynayaa dhammaan ardayda ufariisatay itixaanka guul insha allaah.

Waa arin aan sinaba loo aqbalikarin mudo kordhinta aysoo qadimeen parlamanka iyo xukuumada hada oo aan wali sanad jirsan...
03/03/2023

Waa arin aan sinaba loo aqbalikarin mudo kordhinta aysoo qadimeen parlamanka iyo xukuumada hada oo aan wali sanad jirsan, waxay dhabar jab ku tahay shaqadii socotay ee xoraynta dalka iyo dib u dhiska dawladnimada curdinkaa waxayna horseedaysaa xasarado siyaasadeed iyo dagaansho la,aan iyadoo dadka soomaaliyeed wali xasuusan yihiin dhibkii lagasoo maray isku daygii mudo kordhinta ee dawladii h**e isku dayday.

Shaqada ugu wayn ee hortaala dawladaan waa xoraynta dalka, dhamaystirka dastuurka, doorashooyin qof iyo cod inlaga qabto dalka marka lagaaro 2026 sidookale dhismaha ciidanka qalabka sida iyo dibu haysnta garsoorka, 4taas qodob ee aan xusay qorshihii xukuumadu soo gudbisay waxa kaliya ee kaga jira waa dibu xoraynta goobaha cadawgu haysto.

Hadii dawladaan ay isku daydo inay meel mariso arintaas waxay noqon doontaa fashilkii ugu waynaa ee kudhaca dawladaan curdankaa ee aan wali sanad jirsan waxayna niyad jabinaysaa shacabka soomaaliyeed ee la daalaashacaya duruufaha abaaraha ay sababtay isbadalka cimiladu, colaadaha iyo fakhriga iyo dhaqaala xumada ku habsatay dalka.

Dhulka ay dagto beesha harti taariikh ahaan ma,ahayn dhul gumayste xarbi la,aan xor ah uxukumay sigaara hadaan usoo qaad...
02/03/2023

Dhulka ay dagto beesha harti taariikh ahaan ma,ahayn dhul gumayste xarbi la,aan xor ah uxukumay sigaara hadaan usoo qaadano dhulka ay dagto beesha dulbahante ee SSC ee maanta dagaalka xoriyad doonkaa kasocdo waxaa bilawgii 1900 ilaa iyo 1921 kii oo ahayd markii daraawiishi burburtay kajiray halgan gobanimo doon ah oo taariilkhda galay.

Waxayna ahaayeen meeshii u horaysay africa ee gumaystuhu diyaarado ku duqeeyo ayagoo dadka ay duqaynayeena ahaayeen fardoolay aan hub haysan balse taas badalkeeda ku dagaalamaya qadiyad iyo lahaansho dhuleed una suuragalin wayday inay sinabda ku gumaystaan dhulka reer SSC ayna kadileen saraakiishii uu kamidka ahaa koofil oo taariikhda galay.

duqayntaas tii xigtay oo dadka deegaanka loo duqaynayo qadiyadooda masiirkooda inay ayagu go,aamiyaan ayna difaacaan midnimadii iyo calankii ay udagaalamayeen xiligaas waxay dhacaysaa 2023 oo aan hada joogno, hadaba ninka raba inuu maanta gumaysto oo dhaho waxaan kugu xukumayaa xoog taariikhdaas dib ha u akhriyo.

26/02/2023

Wadamada aduunka oo dhan iyo ururada caalamiga ah sida UN ka iyo kuwakale waxay waxa ugu wayn ee ay ka shaqeeyaan waa laba shay oo assaas u ah dawladnimada nabada iyo daganaanshaha waxayna kala yihiin:

1: Human Rights
2: Democracy

Labadaas qodob oo muhiim u ah nabada daganaanshaha iyo dawladnimo xoog badan waxaa muuqata Soomaaliland ta maanta uu xukumo kornayl muuse biixi oo mandate kiisii saxda ahaa dhamaaday 13 November 2022 inay waxa maanta kataagan labadaasi asal uyihiin, doorashadii inuu wakhtigeedii kuqabto waa diiday oo waakaas la meeraysanaya oo democracy gii iyo wixii bulshadu ku heshiisay waa diiday taasoo kahor imaanaysa xaququdii dadku ulahaayeen inay doortaan ciday rabaan.

Waxa kadhacaya gobolka sool oo hada gaadhay xasuuq bani aadamnimo oo ayka dhalanayaan dambiyo dagaal waxay salka kuhayaan dadka oo cabiray rabitaankooda iyo inay aayahooda ka tashadaan waana xaq aadaminimo oo ay leeyihiin (Human Rights) inay ayagu go,aamiyaan mustaqbalkooda iyo aayahooda taasoo kuxusan UN Human Rights convention oo soobaxay (December 1948).

Waxgaradka iyo dadka reer Soomaaliland waa inay gacmaha ka qabtaan madaxwayne kornayl muuse biixi inta hartay si uusan gacmihiisa ugu burburin oo aysan uhorseedin dagaal sokeeye oo dhexmara dadka reer Soomaliland iyo dariskoodaba, waxaa muuqata in maantala tabay kaalintii allaha unaxariistee xaaji cabdiwaraabe oo ahaa tiir muhiim u ah nabada iyo isku haynta bulshada Soomaaliland.

Mahad canbaashe wax badan baa  lala hadlay tolkuna udulqaatay, waxaase maanta lagu qaaday (Alwalaa walbaraa) ama nasoo r...
25/02/2023

Mahad canbaashe wax badan baa lala hadlay tolkuna udulqaatay, waxaase maanta lagu qaaday (Alwalaa walbaraa) ama nasoo raac ama bari naga noqo cadawgayaga noqo SSC iyo Somaliland meel udhexaysa oo la istaagaa kuma taalo maanta.

Mahad wuxuu ahaa maska qoorta uga duubnaa dadka reer SSC oo mudo badan lanoolaa gumaad iyo tacadi kadhan ah xuquuqda aadanaha sida dilka haldoorka barakicinta bulshada iyo xariga lagula kacayo qofkasta oo ka dareen celiya dhibka lagu hayay bulshada " waa lagu digtaa horgal haduu dadkiisa udarnaan jiraye bal dayaay damiirlaawihii wakaas siidabayshadaye.

Soomaaliya meesha ay ka hagaagi ladahay waa parlamaanku sheega iyo xukuumada waxay maanta ansixiyeen 20% inay mushaarkoo...
18/02/2023

Soomaaliya meesha ay ka hagaagi ladahay waa parlamaanku sheega iyo xukuumada waxay maanta ansixiyeen 20% inay mushaarkooda ujarayaan dalka turkey ga waxaa yaaba ma turkey bay parlamaan uyihiin mise Somalia,

walloow turkey yahay dal saaxiib ah oo waxbadan caawiyay Soomaaliya hadana waxaala yiri (charity begunis at home) diinteena suubana waxay sheegtay saqadu inay ugu ajar badan tahay mida lasiiyo ehelkaaga ay kubaxdo.

Taas waxaan taas uga jeedaa laascaanood waxaa xasuuq iyo duqaymo aanloo meeldayin kasocdaa mudo 2 bilood kudhaw waxaa kabarakacay dhammaan dadkii kunoolaa magaalada waxaala burburiyay goobihii dadwaynaha iyo guryihii cisbitaaladii iyo masaajidii cibaadada.

intaas ayadoo ayka dhacayso hal maalin xitaa kamaysan hadlin xasuuqa laascaanood iskadaa inay waxtaraane (shame on) xildhibaanimooy xaalqaado dalkaan ilaahaybaa umaqan dawlad iyo dad udanqada midna malahan.

16/02/2023

Somaalidu waxay horay utiri qofkaas haduu liqo qof nool uu lugihiisu kasii jeedaan waa inkiraya waxaan uga socdaa hadalka maanta kasoo yeeray madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland kornayl biixi oo is been fariimay, waxaa kaloo iswaydiin mudan dhaqankii uu shalay kutilmaamay inay yihiin argagixiso miyu maanta leeyahay waxaan lagalayaa wada hadal asagoo aanka bixin wax garawshiiyo ah gafkii iyo gaboodfalkii uu kagaystay gobolka sool.

Curfiga diplomacay ga iyo dhaqanka soomaaliyeed midna kamid maaha inla aflagaa deeyo hogaanka dhaqanka ee bulshadu ay leedahay waa taariikh cusub oo loo diiwaangaliyay kornaylka wakhtigu ka dhamaaday ee xukuma Somaliland.

wuxuu sheegay inuu odayaal diray oo shirka furmayo yagoori taasoo aan sal iyo raadlahayn wuxuu ku baaqay nabad taas badalkeeda wali wuxuu kusoo daad guraynayaa ciidan iyo hub culus waxaana wali siisocda duqaymihii aan kala sooca lahayn ee lagu beegsanayay goobaha rayidka sida isbitaalada iyo guryaha dadka shacabkaa.

Waxaan ognahay cid nabad diidan inaysan jirin marka laga reebo cida duulaanka ah oo ah ciidanka kornayl biixii kusoo daabulayo sool wuxuu kubaaqayaa xabad joojin dhankale wuxuu siiwadaa duqayn iyo madaafiic, hadii 1988 diyaarad hargaysa ka kacday ay duqaysay isla hargaysa ayna ka dhalatay Somaliland ta maanta kornayl biixi xukumo una muuqata mid gacmihiisa uu ku duminayo hadaan laga gaarin inta hartay 2023 waxaala hayaa ciidan laascaano saldhigoodu yahay oo duqaynaya isla laascaanoodii ay dul daganaayeen.

Duqaymaha iyo dambiyada ayka gaysanayaan laascaanood kornayl biixi iyo kornayl maxamad kaahin waxaa ka dambayn doonta xisaab aanla isaga hari doonin, waxaa rumawday oraahdii siyaasi maxamuud xaashi ee ahayd " Muusoow taladaaada xumi markay kuusoo urto cidna ha eersan waxaa muuqata oraahdaas inay rumawday maanta, kornayl biixi maanta dal iyo dad midaysan midna mahayo, waxaan usoo jeedinayaa waxgaradka Somaliland inay gacmaha ka qabtaan inta hartay intuusan shafka dhulka udhigin.

"Alla doori sawkaa darka jiidhay maaweel waa halkii AUN abwaan hadraawi e.
.

Targeting and indiscriminate attacks on civilian areas and medical facilities is unacceptable and may result in war crim...
11/02/2023

Targeting and indiscriminate attacks on civilian areas and medical facilities is unacceptable and may result in war crimes, Somaliland must stop its indiscriminate attacks on civilian areas.

Ummad waliba aayaheeda inay ka tashato ayadaa leh waana xaq dastuuriya oo qofwalba oo muwaadina uu leeyahay inuu masiirk...
28/01/2023

Ummad waliba aayaheeda inay ka tashato ayadaa leh waana xaq dastuuriya oo qofwalba oo muwaadina uu leeyahay inuu masiirkiisa asagu go,aan ka gaaro cida maamulaysa dadka reer SSC waxaan urajaynayaa guul iyo midnimo shirkaas na allaha ka dhigo kii lagu nagaado.

Address

Garowe
143

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HE Ibrahim Abdirahman Sofe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to HE Ibrahim Abdirahman Sofe:

Share

Category