26/11/2024
Abdihakim Haji Saeed Ahmed, wuxu sagaal sanno mab'da siyaasiga ee aan guurguurin kaga mid ahaa xisbigii mucaaridka ahaa ee waddani imika se xisbi xaakimka noqday, Abdihakim Haji Saeed waa dal joog aanay ka madhnayn innu qurbaawi yahay oo ilaa dugsiga sarre ilaa heer jaamacaddeed kaga soo baxay dalalaka India iyo Maraykan,
Wuxu dugsigga hoose ka bilaabay magaaladda Hargaysa dugsiga sarrenna uu ka galay dalka India inta ka dibna wuxu waxbarasho heer jaamacaddeed ugu baxay dalka Maraykanka halkaasi oo uu ka bilaabay shahaadadda heerka koowaad Jamacadda California State University, shahaaddad heerka labbaadna wuxu ka qaatay Saint Mary's University Minnesota, wuxu aqoon u leeyahay maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha,( Management and Financial Sector ) inta wax u dheer waaya aragnimo ku siman muddo soddon sanno uu kaga soo shaqeeyay dalka Maraykanka oo muddo dheer u deggana iyo waddamo qaaraddan Africa ku yaalla isagoo la shaqaynaayay hay'addaha caalamiga ee qarramadda midoobay, (UN)
Waa ganacsadde hal abuur ganacsi ka hirgaliyay Maraykanka ilaa guddaheeda Somaliland, waa muwaadin qaranimmadu ku weyn tahay wax baddanna dalkiisa gashaday isagoo mar walba kaalintiisana ka qaata hadba wixii kala soo gudboonaadda hawlaha qarran dhiska isagoo xil dawladdeed iyo xasaanad toonna haynin waxan markhaati uga ahay dad baddan oo reer Somaliland ahina qirreen in uu yahay Somalilander iimaanka Somalilandnimaddu qanjaha joogo,
Qiyamka wanaagsan ee qofnimmo waa halka ugu sarraysa ee qofka laga qiyaasi karo shaqsiyadiisa, iimaankiisa, ammaanaddiis intaba, Abdihakim Haji Saeed waa qof ku sifoobay akhlaaq,ammaanno,iimaan, Alleh ka casi, qarran jacayl iyo dad isku wad. Waxa lagu wadda inuu ka mid noqdo gollaha cusub ee xukuumadda dhawaan la rajeynayo inuu soo dhiso madaxweynaha dooran ee hoggaamin doonna Jamhuuriyadda Somaliland shanta sanno ee soo socda Abdirahman Mohamed Abdilahi Cirro.