Xamze maxamed muuze juhani

Xamze maxamed muuze juhani Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xamze maxamed muuze juhani, Grocers, 063-6658607, Hargeisa.

04/07/2025

Laba Iyo Toboan (12) Qodob oo Nolosha Dhalinyaradda Hagaya

1. Haddii qof kuu waaniyo si adag, ha kala goyn hadalkiisa. Ka faa’iidayso taladiisa, maxaa yeelay mararka qaar qalbigiisa waxaa ku jira jacayl weyn. Ha noqon sida ninkii jebiyay saacaddii hurdada ka kicisay.

2. Raalligelintu ma dhaawacdo sharaftaada, balse waxay kaa dhigeysaa qof weyn oo qiimo leh.

3. Ha quusan, xitaa haddii riyooyinkaagu aad u waaweyn yihiin. Ducadu waxay yareyn kartaa wax kasta oo adag.

4. Shay walba marka uu bato, qiimihiisu wuu dhacaa, marka laga reebo maskaxda. Haddii xikmaddaadu korodho, qiimahaaguna wuu kordhaa.

5. Nolosha iyo xorriyaddu ma aha labo shay oo kala duwan. Xorriyaddu waa saldhigga nolosha; nolol aan xornimo lahayna nolol ma aha.

6. Ha xukumin mustaqbalkaaga adigoo eegaya maanta. Nebiyaduba waxay dhaqan jireen xoolaha, balse markii dambe waxay noqdeen hogaamiyaal ummadeed.

7. Fulaygu wuxuu dhintaa marar badan ka hor dhimashadiisa, halka geesigu hal mar oo kaliya uu dhadhamiyo dhimashada.

8. Waxbarashada dugsiga iyo jaamacaduhu waxay ku siin karaan nolol maalmeed, laakiin waxbarashada naftaada (isbarashada) ayaa kuu dhisi karta mustaqbal ifaya.

9. Ha niyad jabin haddii aad dib u dhacdo, waayo Fallaadhuba uma dhaqaaqdo si xoog leh ilaa dib loo celiyo.

10. Dulqaadka ugu sarreeya waa inaad aamusto adigoo qalbigaagu dhaawacan yahay, xoogga ugu weynna waa inaad dhoola caddeyso adigoo ilmadu ka muuqato indhahaaga.

11. Nac khaladka, balse ha nicin qofka khaladka sameeyay. Ujeedadaadu ha noqoto inaad tirto cudurka, ee ma aha inaad disho bukaanka.

12. Ha murugoon haddii dadka aysan ku soo xasuusan ilaa ay baahi qabato. U dhoola caddee, maxaa yeelay waxaad la mid tahay shumac – markay noloshoodu mugdi gasho ayay kuu soo ordaan.

Address

063-6658607
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xamze maxamed muuze juhani posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category