19/04/2025
Bilyineerka reer Sacuudi laguna magacaabo Suleymaan Al-Raajixi ayaa yiri; "Waxaan kasoo jeeday qoys faqiir ahaa, heer aan xitaa gaaray inaan iska bixin waayo safar dugsiyeed qiimihiisa yahay hal Riyaal oo kaliya, aad ayaan u yaraa waxaana doonayay inaan safarkaas ardayda kale u raaco faqriga qoyskeena awgiis waxay ii awoodi waayeen halkii riyaal, anigana aad ayaan u ooyay.
Maalintii safarka markii ay hal maalin ka dhimantahay ayaa waxaa dhacay in macalin kamid ah macalimiinta iskuulka uu su'aalo na weydiiyay, mid kamid ah su'aalihiisa oo ay ardaydoo dhan ka jawaabi waayeen ayaan uga jawaabay, abaal marin ahaan wuxuu ii siiyay hal Riyaal, isla markiiba waxaan lacagtii ula cararay masuulkii safarka waxaana ka qeyb galay safarkii aan ku hanka weynaa, oohintii aan ooynayay waxay isku badashay farxad mudo bilo ah socotay.
Markaan weynaaday ayuu Allaah risqigiisa ii waasiciyay, waxaan yeeshay hanti baaxad leh, markaas ayaan bilaabay inaan samafale noqdo, waxaana dhacday inaan soo xusuustay macalinkii halka riyaal i siiyay, waxaan is weydiiyay lacagtaas ma sadaqo ahaan ayuu kuu siiyay mise abaal marin ahaan?
Waxaan go'aansaday macalinkii inaan raadiyo, isla markaana wax walba oo ay igu qaadataba xaaladiisa soo ogaado, Allaah ayaa markale i waafajiyay inaan macalinkii helo, balse waxaan la kulmay asigoo ku sugan xaalad aad u cakiran, wuxuu ahaa mid bilaa camal ah wuxuuna xir-xiranayay alaabtiisa asigoona doonayay in uu magaalada isaga guuro.
Waxaan u sheegay inuu igu leeyahay deyn, balse wuxuu ii sheegay ineysan jirin cid uu maanta deyn ku leeyahay, waxaana fahmay in macalinka uusan wali isoo xusuusan, markaas ayaan weydiiyay ma xusuusataa arday dhigan jiray fasalkaas oo hada kahor ka jawaabay su'aashaas kadibna aad ku abaal marisay hadiyadaas? Macalinkii oo xusuustiisa dib u celiyay muuqaalka wajigeygana eegay ayaa isoo xusuustay, inta uu dhoola cadeeyay ayuu yiri; Haatan ma waxaad ii raadineysay si aad hal riyaal iigu abaal gudo?
Waxaan ku jawaabay; "Haah", kadibna waxaan soo saaray gaarigeyga waxaana hor keenay guri weyn oo fillo ah, markaan soo daganay ayaana u sheegay in gurigaan iyo gaarigaanba aan asiga ku wareejiyay isla markaana ay tahay abaal gudkii halkii riyaal ee uu isiiyay, sidoo kale waxaan u qoray mushaar u socon dooono inta ka dhiman noloshiisa iyo inaan ilmihiisa kafaalo qaado.
Macalinkii oo indhihiisa ilin ka socoto ayaa markaa igu yiri; Laakiin intaanoo dhan wey badantahay xaqiiqdii.
Suleymaan Raajixi wuxuu yiri, waxaan ugu jawaabay; "I rumeyso maanta hadaan ku siiyo 10 fillo iyo 10 gaari xitaa ma gudi karo abaalkii farxadii aad maalintaas ii sameysay, waxaana kuu xaqiijinayaa in farxadaas macaankeeda ilaa maantadan la joogo aanan iloobin".
✍ Cabdiraxmaan Xasan Anteeno