Dal jiraha Somaliland

Dal jiraha Somaliland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dal jiraha Somaliland, Grocers, Hargaysa, Hargeisa.

19/07/2025

Nairobi iyo Naago Haleysan!

Ma jirto gabar ayadoo haleysan hooyadeed ka soo baxday!

Waxaan rabaa in aan qormadaan ku soo koobo hal sheeko oo quseyso gabdhaha Nairobi joogo ee la yiraa waa haleysan yihiin

Si qormada aan u wada fahano aan su’aal galiyo, GABDHAHA YAA HALEEYAY?

Jawaabta ayadaa kuu soo bixi doonto waxaan daganaa xaafada Upper Hill Nairobi waa agagaarka Kenyatta Hospital wadada Mbaghati Way ee dhex marta Nairobi City Mortuary iyo Kenyatta Hospital

Qofki tagay waa garan karaa inta ay u jirto Islii aad bay uga fogeed maadama aan dagana jidka agtiisa waxaan ku soo boodi jiray koryeeriga KBS-ka dhaadheer oo 15 shilin ahaa waa dhamaadki 2002 ilaa dhamaadki 2004

Islii shaqo kale lama qabto waa in la qayilaayo ama naag la burinaayo, waagi aan ku cusbaa baa maalin asaxaabti aan jimcada u imaan jiray igu dheheen “maa nala qayishid aniga waa is adkeeyay” oday meesha fadhiyay baa igu yiri “Nairobi ninkii gus adag iyo gowso fayoow kala tago waa ahlu jano”

Waa halkaas meesha dulinimada ka bilaabato, 5ti bil ee ugu h**eysay waa bishii 7aad 2002 ilaa bisha 1aad 2003-da waa daalay sidaan marba gabar cusub u baranaayay, gabdhaha Nairobi joogana waa kuwa ciyaal maamo ah iyo kuwa gaanjibooyin ah, 2003 waxii loo soo gaaray waxaan bilaabay jimcada inaan is gaabiyo oo asaxaabteyda la fariisto, asaxaabteyda naftirkooda Jimacada ama Axad ay fariisan jireen,

Waxaa la daganaa guryo dayacan oo sidii bakhaaradi hal qol ah ma aqaan dadki sameeyay in ay dukaaman ka dhigi rabeen iyo ineey saas ugu talo galeene,

Tabartaas baa wiilashii la yiri “ka guura” maadaama ciyaal balad la ahaa waxaa la istusay hadii apartment la d**o in sidaan ay dhaami doonto, kuwi aan u imaan jiray oo gurigi laga raraayo iyo kuwa kaloo asaxaabta ah baa guri apartment ah oo sadex qol ah dagay,

Maalinti aan alaabta rareyn baa gabar dabaqa kore daganeed noo timid oo si qurux badan noo soo dhaweysay, marki aan alaabta dhignay bay baaldi iyo xaaqin la soo dagtay oo gurigii noo hagaajisay oo daahmanki no

19/07/2025

Wasiir Yoonis wuxuu muujiyay bisayl iyo qaangaadhnimo, erayga ah in cadaaladu hoosayso dalkeena, waa eray sax ah, waana arin mudan in lagu bogaadiyo Wasiir Yoonis.

"Wasiir wuxuu muujiyay bisayl iyo qaangaadhnimo, erayga ah in cadaaladu hoosayso dalkeena, waa eray sax ah, waana arin mudan in lagu bogaadiyo Wasiir ku dhiirashada run ka sheegida xaqiiqada jirta. Balse eraygiisu dhaliil qof iyo shaqsiyaad gaar ah Iyo xitaa eray siyaasadaysan maaha, waa eray ka turjumaya baahida weligeedba jirtay ee ah in aan Cadaalada kor u qaadno, oo ay cadaaladu shaqayso. Waa arin culus keeda leh, oo u baahan juhdi iyo maal iyo u badheedhid balse erayga Wasiir Yonis waa eray bar bilow wanaagsan ah.

Wasiirkii h**e ee arimaha gudaha ee dalka Britain Dr John Ried, oo ahaa wasiir xilal wasiirnimo oo badan ka soo qabtay Dawladiihii Tony Blair 1997-2007 ayaa waxa uu ka deyriyay ama walaac ka muujiyay xaalada ay ku sugnayd wasaarada arimaha gudaha ee dalka Ingiriiska, oo ka mid ah wasaaradaha ugu waaweyn uguna muhiimsan dawlada ingiriiska, oo ay hoos yimaadaan Police ka, Immigration ka Iyo waaxo kale oo waaweyn.

Wasiir John Ried oo ahaa Wasiir weyn, waxa uu si cad u sheegay in wasaaradiisa arimaha guduhu la jaanqadayn shaqooyinkii ay qaban lahayd. Waxa uu yidhi
” THIS INSTITUTION IS NOT FIT FOR PURPOSE “

In kasta oo uu eraygiisaasi duufaano kiciyay, oo dadkii ka shaqaynayay wasaarada arimaha gudaha, iyo police ku ay aad u dhaleeceeyeen erayga Wasiir John Ried ka soo yeedhay, oo ay u turjunteen dhaliil uu u soo jeediyay qof kasta oo ka shaqeeya wasaarada arimaha gudaha, hadana xaqiiqdu waxay noqotay in wasiirku wax ka sheegayay institution ( wasaarada) , qaabka shaqada, shuruucda, wada shaqaynta, fulinta iyo ilaalinta sharciga, hufnaanta shaqada, tayada maamulka, iyo kalsoonida liidata ee shacabku ku qabaan wasaarada arimaha gudaha ( wakhtigaa).

Ugu danbayn hadalkii Wasiir John Reid wuxuu horseeday is bedelo badan ( reforms) kuwaas oo wax badan hagaajiyay, wasaaradiina dib

“Art of War” oo uu qoray Sun Tzu, inta aan arkay, waa buugga loogu turjumaad badan yahay afkeenna. Saddexdan turjubaan a...
20/01/2025

“Art of War” oo uu qoray Sun Tzu, inta aan arkay, waa buugga loogu turjumaad badan yahay afkeenna. Saddexdan turjubaan ayaa iska dabamaray. Maxay ku kala duwan yihiin? Qof kastaa miyuu saluugay oo wax ka beddelay turjumaaddii ka horraysay? Ku ma arag.

Waxaan aad u qabaa in xilligan aan tamar lagu bixin dib-u-turjumidda buug h**e shaqo looga qabtay, ee mid cusub xooggaa loo duwo. Waayo hawshan turjumaaddu waa inoo bilaw, dadka hagaag u qabtaana way inagu yar yihiin. Kolkaa waa in aynu si lexejeclo leh uga faa’idaysannaa.

Buugagga kale ee laba-labo jeer la turjumay waxa ka mid ah (inta aan arkay): 1) “Animal Farm” oo uu qoray George Orwell; iyo 2) “The Prince” oo Machiavelli uu qoray. Dhanka kale, waxa jira sheekooyin gaagaaban oo iyagana labo turjubaan iskaga danbeeyeen, sida “Ragaad” oo uu qoray Axmed Ismaaciil Yuusuf; iyo “How Much Land Does A Man Need” oo uu qoray Leo Tolstoy. Sida oo kale, waxaan arkay curiska dheer ee Nuuraddiin Faarax uu ka qoray damaca badda ee Itoobbiya ee “Which Way to the Sea, Please?” in labo goor la kala turjumay. Waa dedaallo ku labadhacay meel mid keli ahi ku fillaa.

Waaya’aragnimadayda, buugaggii aan turjumay waxaan ogaaday in Ibraahin Meygaag Samatar uu bilaabay turjumaadda Baaqa Shuuciga (Maarkis iyo Eenjelis), balse aan weligii la daabicin oo sida ay u badan tahay uu nuqulkaasi isaga la godgalay. Laakiin dhammaan buugaggan/qoraalladan aynu ka hadlayno turjumaaddooda kowaad waa la wada hayaa, oo way soo baxeen.

Mashaqadan waxa lagaga badbaadi karaa in baadhis uu sameeyo turjubaanku, aadna u hubsado. Way iman doontaa hadhow kolka meheradda turjumaaddu salka dhigato ee ay inoo bulaasho in ay soo bixi doonaan turjubaanno aan shaqo kalaba qaban ee dib u kala hufa oo u qiimeeya waxqabadkeenna hadda oo dhaliilaha ay ku arkaan miisaama, haddii ay daruuri u arkaanna dadka u sheega in turjumaadda h**e ay dhitinayso taa darteedna ay mid cusub u soo saarayaan.

Afafka kalaba waa sidaas, oo marka h**e jid ugub baa la jeexaa, hadhow baana wad

20/01/2025

Shacabka Somaliland ee ka soo horjeeda wadahadalo Soomaaliya lala galo, balse taageersan soo laabashada Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga waxaan idiin farayaa inaad banaanbaxyo waawayn isugu soo baxa guud ahaan Somaliland oo dhan aad ku muujinaysaan taageerada ay u hayaan Madaxbanaanida Somaliland, kagama soo horjeedaan wadahadalo lala furo maamulka Muqdisho, kuna soo dhawaynaysaan soo Laabashada Madaxwayne Donald Trump idinkoo ruxaya calanka Somaliland iyo kan Maraykanka isla markaasina gubaya calanka Buluuga ah ee Soomaaliya iyo ka Shiinaha.

Kharajka boodhadhka banaanbaxa waan idinka caawinaynaa gudi samaysta la idiinku soo hagaajiyo.

20/01/2025

Ku. Madaxwaynaha JSL.

Mudane Madaxwayne Aniga oo ka duulaya Tirada Taliyayaasha Ciidamada Kala Duwan Oo Mudo Dheer aynu ugu dhaqmaynay Hab Aan Dastuurka Waafasanayn, ama Lidi Ku ah, Qodobada. 123aad, 124aad, Ee Dastuurka Qaranka JSL,

Waxaan Kuu Soo Jeedinlahaa Si Waafqsan Qodobka.123aad, 124aad Ee Dastuurka Qaranka JSL, Oo Ciidanka u Aqoonsan Inay Yihiin 3 Ciidan, in Aanay Ka Badanin Oo Aanuu Dastuurka Baalmarin, Magacaabistaadu Dibna Layskugu Celiyo Inta Kale Siday Isku Qaadanayaan, Oo aynu Dastuurka ku shaqayno Oo aynaan rabitankeena ku shaqaynin.

Waxaana Xusid Mudan In Ciidamadeenu ay Maanta Yihiin Ilaa 8 Ciidan, Oo waliba ay hadhsan yihiin Ciidankii Cirku, Kala Madaxbanaanshahaasi ama Kala Xidh-xidhnaantaas Ciidanku Waxay Ka Soo Horjeedaa Sadexda Ciidan Ee Distoorku inoo Jideeyey, Waxaana Muhiim ah in Madxwayne aad magacabistaadu si aanay dastuurkz uga hor iman inuu qalinkaagu ku ekaado uun Sadexdaas ciidan oo inta kale aad hoos geyso structure ahaan ama dabeecad ahaan siday isku qaadanayaan, fikirkygana waxaan h**e ugu qaabeeyey jaantuskan hoos kamuuqda iyadoo ay waliba jirikarto afkaar sharci ahaan si kasii quruxbadan oo dastuurka waafaqsan, in cidkale usii qaabaynkarto, balse muhiimadu waa in aanaynu rabitaankeena ku shaqaynin oo aynaan dastuurka iyo kutumashadiisba aanaynu iska dhayalsanin,iyadoo aynu h**e u ogayn in aad wasaaradihii ku ibo furtay Dastuur Jabin waxaan marlabad kaaga digayaa inaad ciidankana aad sifo sharci daro ah aad u magacwdo,

Ugu danbayn waxaan madaxwaynaha leeyahay mudane madxwayne sida aan Sadexda xisbi qaran ee dastuurku inoo jideeyey aan afar 4 iyo shan 5 looga dhigikarin ayaan ciidamada qarankana aan afar 4 iyo shan 5 iyo loxtoona aan looga dhigikarin oo ay dastuur jabin u tahay.

Waxaana jaanyuskan idiinka muuqada sida xafiiska madaxwaynaha aanay u oolin calan afraad oo ciidan ee ay ugu kooban yihiin sadexdan ciidan ee dastuurku jideeyey.

Waxa Kale Oo Xusid In Gollaha Wakiilada Qudhoodu ay sameeyeen Xeerar Ciidan Oo Ka Horim

04/12/2024

Heesta Bixiso: Khadra Daahir Iyo Jaceylkii Soddogeed
- - - - -

Heesaha cajiibka ah ee ay qaaddo Khadra Daahir, waxaa ka mid ah heestaan hoose, oo la dhaho Bixiso, oo ah hees qisadeeda, qotonka suugaanteeda iyo quruxda erayadeeduba ay cajiib yihiin. Waxaana ay Khadro oo heesta kula hadleysa soddogeed oo iyada jeclaaday, si heer sare ah uga laangoosanaysa dhaqankii Soomaaliyeed, iyada oo baanaheeda u xulanaysa tusaaleyaal cajiib ah.

1. Marka u horreysa waxa ay sheegaysaa in ay bixiso (dhibaato) ku tahay in nin oday ahi uu reerkiisa ka raro bari, oo uu fad (madax roob) iyo bilig karameed (roob xagaayeed, aan la isku halleyn), buseel (xiiso) dartiis ugu hayaamo, deeto uu reerkii ku furo bane dhaxan badan, oo baaxad soore ah (dhul-kaa-dheer-cir-kaa-dheer).
Waxaanay leedahay:

Waa bixiso odayoow
Adoo bari guntii jira
Fal galbeed ka baahiyo
Inuu biligta karameed
Buseylkeed ku qaadoo,
Aad baqoolka geeddiga
Bane deyra-dhaafiyo
Meel baaxad-soore ah
Beesha u horseeddee.

2. Deeto waxa ay kula talinaysaa hugun (jabaq) cidlo ah in uusan ku luggo'in, maaddaama baahidiisa darteed ay naftu dhalanteed (wirwir) biyo ugu sheegtay.
Waxaanay leedahay:

Yaan hugunka beenta ah
Baaqiisu kula tegin,
Adoo baahi oo qaba
Naftu biligta dhalanteed
Biyo kuugu sheegtoo
Buur kuu tilmaantee.

3. Iyada oo si turaalle ugu maahmaahaysa ayay haddana u sheegaysaa, in haddii uusan ka laaban damaciisa, uu si walba ula mid noqonayo baqashii fardaha la miratay, maaddaama uu damaaciyay iyada oo gashaanti ah, isaguna uu yahay nin oday ah, arrintaasina ay luggooyo si walba ugu tahay isaga, ayna macquul tahay in uu bayuur (jab/jiciir/ceeb) kala kulmo, oo lagu wiirsado.
Waxaanay leedahay:

Show baqashi noqotee
Fardo beri la miratoo
Barkoodii is mooddiyo
Halheys kugu bannaan iyo
Bayuur inay ku raacda
Baga! lagu yiraahdaa

4. Intaas ugama haraysee, waxa ay haddana u raadsanaysaa maahmaah kale oo ay ku disho, waxaana ay sheegaysaa marka reerku barwaaqoobo, in ay dhalintu ciyaarto oo ay botoriso, balooley iyo dhaantona tumato in ay wax caadi ah tahay, laakiin aan nin oday ah oo baarcaddaa ah (cireystay) waxaas looga fadhin, uuna la mid noqonayo baatir (qaalin awood iyo qurux leh) oo dhicistay, sidaas darteed ay ku wacan tahay in uu nolosha kaga aado meesha uu oday ahaan mudan yahay.
Waxaanay leedahay:

Haddii seban barwaaqo ah
Cidda meel baraariyo
Balli-doogle lagu furo,
Oo baahi laawaha
Botorka iyo dhaantada
Cugashada barbaartii
Bilow baashihiiyow
Balooleey madiixaan,
In uu baarcaddaa oday
Aarankii la boodoo
Soo laba bogleeyaa
Waa baatir dhicisee
Adeerow da'daa bogo.

5. Taariikh ahaan Khadro wey xasuusan tahay in uu soddogeed nin fiican ahaan jiray dhalinyaronnimadiisii laakiin hadda uu gaboobay, marka waxey xasuusinaysaa in ay tahay gabar dhalinyaro ah oo rabta nin da'yar, waxaana ay ugu maahmaahaysaa baydari (hargaanti/ugaarsato) dhakhsanaysa, oo u baahan faras awood lihi, in aysan kaxeysan mid shinkiisii buuxsamay (gaboobay), sidaas darteed waxa ay kula talinaysaa in uusan isku dhibin balweyn (heeso xod-xodasho ah), oo uusan waxba u qaadin heestii Hadraawi ee Beerlula.
Waxaanay leedahay:

Inkastuu bilnaan jiray
Magac beri lahaan jiray
Sange baratankii gabay
Buuxsamay shinkiisii,
Baydari dhakhsanaysaa
Kuma baahi beeshee
Waxba ha i balweynoo
Hay qaadin Beerlula.

6. Intaas, oo araar, maahmaah, tusaale, iyo run kharaar ah marka ay odayga u sheegto, ayaa ay siinaysaa xog kale oo ay ugu quus goynayso, waxaana ay u sheegaysaa in uusan war heyn, ee ay wada socdaan curadkiisa, oo ay waliba ballan guur leeyihiin, isaguna uu ku bilanayo (ku soo baxayo) soddogeeda, sidaas darteed, waxa ay xasuusinaysaa in ay muhiim tahay in uu iska ilaaliyo boholyowga uu iyada u qabo, maaddaama uu saameyn karo odaynimadiisa, oo uu qof si ah ka dhigi karo marka uu odayaasha faciisa ah la xaajeysanayo, ama la jareysanayo.
Waxaanay leedahay:

Haddaad sheeko baraleey
Baabkeeda moogtahay,
Boqorkaad ku curutaan
Waa h**e is barannoo
Ballani noo dhaxeysee,
Soddog baad ku bilataye
Yaan jare-ka-booddada
Boholyowgu kula tegin.

7. Marka ay arrinta odayga intaas uga faroxalato, ayaa ay Khadra u soo laabanaysa nafteeda, iyo jaceylka haya, waxaanay sheegay in ay baroor (oohin) ku dhayaysay boogteeda, laakiin dareen ay bishkilaysay (awdaysay), uu ku soo baxay, imminkana uu laxawgii (xanuunkii) jaceylku soo balleeyay (si kedis ah ugu yimid), oo ay la mid tahay caleen ay dabeyli sidato, ayna kalgacal dartiis baaxaa-degayso, sidaas darteed waxa ay Alle weydiisanaysaa in uu jaceylkeeda u jid bixiyo (tubta toosan ku hago).
Waxaanay leedahay:

Baroortaan xasuustiyo
Ku dheyaayay boogtii
Dareenkaan bishkilayaa
Intuu soo baraarugay,
Laxawgii butaacada
Balleysimada kiciyee,
Baal dabeyli sidatiyo
Waxan ahay badweyn ruux
Baaxaa-degaysee
Allahayoow jid ii bixi.

25/10/2024

Waxa aan shalay arkayey dhismo la yidhi shirkada GEOSOL ayaa dawladda hoose ee Hargeysa guddoonsiisay. Shirkaddu waxa ay gacanta ku haysaa macaashna ka samaysaa xogtii shacabka oo gacanta loo geliyey.

Haddaba su’aalaha aan is weydiinayaa waxa ay yihiin:

1. Somaliland miyuu xeer uga yaallaa ilaalinta xogta muwaadinka?

2. Haddii uu xeer uga yaallo ila wadaag, haddiise aynaan xeer u lahayn, maxay tahay sharciyadda lagu meel mariyey laguna maaraynayo xogta muwaadinka ee gacanta loo geliyey shirkadda gaarka loo leeyahay?

3. Xogta yaa leh, ma shirkadda loo gacan geliyey mise dawladda hoose?

4. Sidee loo ilaalinayaa qofka muwaadinka ah khusuusiyaadkiisa?

5. Maxay yihiin hab-raacyada in la dabbaqo ay tahay, si loo ilaaliyo khusuusiyaadka dadka xogtooda la bixiyey?

6. Intee ayey leeg yihiin doorsoomayaasha xogta(data variables) qof kasta laga hayaa?

7. Sidee ayey shirkadda gaarka loo leeyahay u ilaalinaysaa ammaanka xogta muwaadiniinta?

8. Muxuu yahay xeerka la raaciyo si dhawrsoonida iyo xafidaada xogta loo meel mariyo?

9. Shirkadda xogta haysa, Miyaa loo ogol yahay inay gacan saddexaad la wadaagto? Maxayse yihiin shuruudaha ku qaydan xog-wadaaggu?

10. Muxuu yahay is-afgaradka maaliyadeed ee uu jidaynayo heshiiska lala galay?

11. Miyey jiraan xeerar dejisan oo waajibinaya la-xisaabtanka iyo daba-galka maaliyadeed?

12. Haddii ay jiraan miyey yihiin kuwo dammaanad qaadaya daah-furnaanta iyo anshaxa xisaabaadka?

13. Muxuu yahay xayndaabka sharci ee tahay in ay shirkaddu u hoggaansanto?

14. Maxay yihiin tallaabooyinka shirkadda laga qaadayo, haddii ay ku xad-gudubto sharciyada xakamaynaysa?

15. Waa maxay saamaynta mustaqbalka fog ay yeelan karto xogtan xaasaasiga ah ee dad gaar ah gacanta loo geliyey?

16. Miyuu jiraa sharci diidaya in aanay mudanayaasha golaha deegaanku si dadban iyo si toos ah midna uga dheefayn shirkaddan gaarka loo leeyahay?

Address

Hargaysa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dal jiraha Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category