20/04/2026
Maxaad kala socotaa qorshaha dib loogu qaabeynayo xuduudaha Geeska Afrika si Itoobiya bad u hesho, ee la sheegay inuu Madaxweyne Xasan qaybta ka yahay?
Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee sida weyn uga faallooda arrimaha Geeska, ayaa qoray warbixin gundheer oo bannaanka keentay qorshe dib loogu qaabeynayo xuduudaha dalalka Geeska Afrika si Itoobiya marin-biyood u hesho.
Aqoonyahanka oo xiganaya ilo muhiim ah ayaa sheegay in kulankii ugu dambeeyay ee ay caasimadda Djibouti City dhawaan ku yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaïl Omar Guelleh, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, la sheegay in soo jeedinta kulankaasi ay ku saabsaneyd qorshe weyn oo dib-u-habeyn iyo isbeddel xuduudeed ku keenaya Geeska Afrika, kuna lug leh saddexda dal.
Qorshaha la sheegay wuxuu tilmaamayaa in Jabuuti ay isu beddeli doonto dowlad si buuxda Soomaali u ah, iyadoo lagu darayo dhulal ka tirsan Diridhaba, Sitti, Harawo iyo gobolka Awdal ee Soomaaliya, taasoo micnaheedu yahay in dhammaan deegaanada ay degaan beelaha Ciise iyo Gadabuursi lagu mideyn doono dowlad cusub oo Jabuuti ah.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa la sheegay inay la wareegi doonto dhulka Canfarta (Afar) ee hadda ka tirsan Jabuuti, oo lagu qiyaaso ku dhowaad 80% dhulka dalkaas, si ay u hesho marin toos ah oo ay ku gaarto Badda Cas, isla markaana ay u mideyso bulshada Canfarta ee ku nool Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.
Intaa waxaa dheer, waxaa la soo jeediyay in dhammaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya lagu wareejiyo Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasoo si weyn u beddeli karta xaaladda siyaasadeed, midda qowmiyadeed iyo dhaqaale ee gobolka, laguna tilmaamay xal waara oo qoto dheer.
Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa warbixintan ku daabacay barta (X).