Ustaad Lakuuka

Ustaad Lakuuka pagekaan waxaa looga tala galay in ardayda looga faaiideya

Berri 10:00 subaxnimo ayaa la shaacin doonaa natiijada imtixaanka. Si aad u sii diyaar garowdo, natiijadaadana aad u hes...
08/08/2026

Berri 10:00 subaxnimo ayaa la shaacin doonaa natiijada imtixaanka. Si aad u sii diyaar garowdo, natiijadaadana aad u hesho munaasabadda kaddib, fadlan booqo linkigan:

https://banadir.exams.so/bogga_hore_list.php?page=list1

Kaddibna raac tilmaamaha ka muuqda sawirka si aad u hesho natiijadaada.

Guul ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.

22/07/2026
10/04/2026

Iskuulka Himalaya waa astaanta dadaal, dulqaad, iyo horumar muuqda. Waxaa lagu bilaabay si aad u kooban—10 kursi iyo 10 miis—laakiin himilo sare iyo shaqo joogto ah ayaa ka dhigtay meel ay ku barbaaraan jiilal aqoon leh. Muddo 15 sano ah ayuu si hagar la’aan ah u barbaarinayay arday, isagoo maanta gaaray heer sare oo lagu faano, kana mid noqday goobaha waxbarasho ee hormuudka ah.
Himalaya ma aha oo keliya dugsi, waa xarun riyooyin lagu dhiso, maskaxdana lagu iftiimiyo. Waa meel ay ka soo baxeen arday leh aqoon, akhlaaq, iyo himilo sare oo u diyaarsan mustaqbal ifaya.
Ugu dambayn, waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa Ustaad Feysal Muuse, kaalinta weyn ee uu ka qaatay horumarka iskuulka iyo doorka uu ka ciyaaray kor u qaadista waxbarashada, gaar ahaan bulshada reer Jowhar. Dadaalkiisa iyo hogaamintiisa waxay noqdeen tiir adag oo lagu gaaray guushan maanta muuqata.
Mahadsanid Ustaad Feysal Muuse—raadka aad reebtay waa mid lagu daydo, laguna faano.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ustaad Cumar Cusman Maxamed (Ustaad Cumar Madoowe) oo ku guuleystay shahaadada Ma...
23/03/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ustaad Cumar Cusman Maxamed (Ustaad Cumar Madoowe) oo ku guuleystay shahaadada Master Degree.

Guushan waa mid muujinaysa dadaal, dulqaad iyo karti sare. Waa tallaabo muhiim ah oo ku dayasho mudan, kana tarjumaysa himilo sare iyo horumar joogto ah.

Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guulo hor leh iyo in aqoontaada aad bulshada uga faa’iideyso si wanaagsan.

Hambalyo mar kale, Ustaad 👏🎉

Address

Soomaali
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ustaad Lakuuka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category