06/02/2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay 53 sano kadib yeelatay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, kaas oo saldhig u ah nidaam shaqo oo casri ah, kuna dhisan caddaalad, hufnaan iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
“Xeerkan Shaqada waa guul qaran oo muddo dheer la sugayay; wuxuu xaqiijinayaa xuquuqda shaqaalaha, caddeynayana waajibaadka loo-shaqeeyayaasha, isla markaana dhisaya jawi shaqo oo ku dhisan sharci iyo caddaalad,”
H.E. Prof. Salim Alio Ibro
Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada